Fannaanka caan ka ah dadka Soomaalida dhecooda ayaa galabta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa sida ay xaqiijiyeen ehelada Fannaanka.
Allaha u naxariistee fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Shey Mire Dacar ayaa u geeriyooday xanuun muddooyinkan hayay. Waxaana geerida fanaanka Shey Mire Dacar u sheegay BBC-da walaakiis Caabi Mire Dacar oo isna fanaan ah.
Fannaanka ayaa la sheegay inuu in muddo ah xanuunsanaa. Shey Mire Dacar wuxuu ka bilaabay fanka magaalada Ceerigaabo 1980-meeyadii, kadibna waxa uu u gudbay magaalada Boosaaso.
Muddooyinkan dambe waxa uu ku noolaa magaalada Hargeysa oo uu heeso iyo bandhig faneedyo badan ku sameeyay.
Wadani.com