Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayire Maareeye ayaa xil u magaacabay Fanaanka Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan Hilaac.
Wareegto kasoo baxday Wasioir Maareeye ayaa lagu sheegay in Fanaanka Nimcaan Hilaac loo magacaabay Agaasimaha Waxsoo-saarka iyo Howlgelinta Fanaaniinta Qaranka ee Hobolada Waaberi oo dowladda Somalia ay dib u habeyn ku sameyneyso.
Wasiirka warfaafinta, ayaa isla wareegtadan xilkii Agaasimenimo uga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi hobolkii weynaa ee Maxamed Xasan Barrow, kasoo la sheegay in loo magacaabay la-taliyaha wasaaradda.
Fanaanka da’da yar ee Nimcaan ayaa hore uga mid ahaa fanaaniinta Xidigaha Geeska ee ee magaalada Hargeysa, isagoo u soo wareegay magaalada Muqdisho, wuxuuna ku sigtay in la xiro markii uu dib ugu laabtan magaalada Boorame, isagoo ka baxsaday ciidamada Somaliland kuna laabtay Muqdisho.