Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Farmaajo: “Cafiska uu soo jeediyey walaalkay, Madaxweynahaygii hore ee aan saaxiibka nahay, Sheekh Shariif..”

    Farmaajo: “Cafiska uu soo jeediyey walaalkay, Madaxweynahaygii hore ee aan saaxiibka nahay, Sheekh Shariif..”

    May 28, 2021Updated:May 28, 20214 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Khudbadii Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ka jeediyey gabagabada munaasabadii Heshiiska labaad ee Doorashada Federaalka, Afisyoone magaalada Muqdisho.

    Bismillaahi Raxmaani Raxiim

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare
    Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda
    Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
    Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka
    Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida
    Madaxweyneyaashii Hore iyo Ra’iisul Wasaareyaashii Hore
    Guddoomiyeyaashii Hore ee Baarlamaanka Federaalka
    Madaxweyneyaashii Hore ee Dowlad Goboleedyada
    Hoggaamiyeyaasha Ururrada Siyaasadeed
    Ururrada Bulshada Rayidka ah oo ay ugu horreeyaan culimaa’udiinku
    Ururrada haweenka iyo dhallinyarada
    Wakiillada Beesha Caalamka
    Bahda Saxaafadda iyo Baambayda
    Dhammaan marti sharafta kale

    Waxa aan idinku salaamayaa salaanta Islaamka, Asalaamu Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu

    Ilaahay baa mahad iska leh oo mar walba inoo suurtageliya kulamada noocan oo kale ah, khaasatan kulankan aan maanta isugu nimid oo ah gebogebada Wadatashigii Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayey, ayna qayb ka ahaayeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

    Sharaf bay ii tahay inaan idinkala soo qayb galo, idinkuna kulligiin aad ka soo qayb gashaan xafladdan aan ku soo xirayno wadatashigii guud oo aan ku gaareyney heshiis siyaasadeed doorasho. Waxa uuna inoogu dhammaaday guul.

    Waxa aan leeyahay hambalyo. waxa aan u hambalyaynayaa ugu horrayn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Waxa aad mudan tihiin bogaadin, waxa aad mudan tihiin sharaf, waxa aad mudan tihiin ammaan. Shaqadii adkayd oo aad qabateen, oo aan ognahay in ay muddo dheer soo jiitamaysey, dooddii adkayd ee aad soo gasheen dhowrkii beri ee aan soo dhaafnay, dulqaadkiinnii faraha badnaa iyo dadaalkiinnii dhaliyey inaad la timaaddaan isu tanaasul si dalku uu u aado doorasho loo dhanyahay oo raalli laga yahay, doorasho wadar oggol ah oo aynu kulligeen wada aqbalnay. Waxa aan leeyahay hambalyo mar kale. Waxa ay ahayd guul weyn.

    Maaha guul innaga oo keliya inoo soo hoyatay, waa guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan, taas oo hammigoodii iyo rejadoodii kor u qaadday. Waa inaan fahannaa dadka Soomaaliyeed waxa ay doonayaan. Waxa ay doonayaan degenaansho, waxa ay doonayaan doorasho, waa ayna u diyaarsan yihiin. Runtii, Waa aan idiinkaga mahad celinayaa juhdigii aad geliseen in aad maanta ummadda Soomaaliyeed kaga farxisaan.

    Waxa aan rabaa inaan mahad gaar ah u celiyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka hoggaamintiisii uu ku jiheeyey heshiiskan, sida uu u casuumay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, dadaalkiisii faraha badnaa iyo dhabar adaygii uu u dulqaatay dooddii dhinacyada ka imaanaysey. Intaas waxaa dheer nabad doonnimadiisii iyo sida uu ugu dhex jiro. Waa aad ku mahadsan tahay Ra’iisal Wasaare sida wanaagsan ee aad u hoggaamisay golahan wadatashiga ah.

    Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyaga waxa aan rabaa in aan la dardaarmo. Jidkan waa aan soo marnay, khibraddeedada waan leennahay. Waxaan idinka codsanayaa, ummadda Soomaalyeedna idinka codsanaysaa, sidoo kale Madaxdii halkan soo istaagtey idinka codsatay, in hawshan la idiin xilsaaray aad hore u dhaqaajisaan.

    Doorashadan heshiis waa laga gaarey, balse waxa ay u baahan tahay hirgelin, waxa ay u baahan tahay dhaqan gelin iyo dhammaystir. Runtii mas’uuliyaddan idinka ayaa iska leh, idinka ayaa ay hadda idinku soo wareegtay. Aniga iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintayadu waa in aan idin baritaarno oo idiin ducayno, oo aan idiin kugu tufno, waana idiin barakaynay. Waxa aan idiin kugu ducaynay in hawshan Alle idiin fududeeyo oo doorashadani inoogu dhammaato si nabad ah, hufan oo xalaal ah, qofkasta oo muwaadin ah oo doonaya in uu dalkiisa iyo dadkiisa u adeegona aanu xuquuqdiisa idinka waayin oo aad u caddaalad samaysaan.

    Waxa aan rabaa in aan hoosta ka xarriiqo qoondada haweenka. Dumarku waa laf-dhabarta bulshadeenna, waa hooyooyinkeen, waa xaasaskeenna, waa gabdheheenna. Waxaa loo baahan yahay in aad xuquuqdooda xaqiijisaan, oo kootada hadda ee boqolkiiba soddonka ah aad muujisaan inaan doorkan afartan gaarsiin karno, Haddii uu Eebbe yiraahdo.

    Cafiska uu soo jeediyey walaalkay, Madaxweynahaygii hore ee aan saaxiibka nahay, Sheekh Shariif, waa aan la qaatay oo waan idin cafiyey, cafigiinana waan qaatay. Runtii, waa wax loo baahan yahay inaan ka gudubno. Sida uu sheeegay waa siyaasad waxani, balse ma’aha qof necbaysi, cafiskaasna Alle ha noo qaado, quluubteennana Eebbe ha wada geliyo iyada oo dhab ah.Waxaa ballan inoo ah inaan u wada diyaar garowney doorashada, Insha Allah, doorashadani waxa ay ku dhammaan doontaa guul.

    WASSALAAMU CALAYKUM.

    Doorashada Farmaajo Khudbad Shirkii Afisyoone Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKhudbadii Guddoomiye Cabdi Xaashi oo xambaarsaneyd Laba Farriin oo culus (Yey ku socdeen..?)
    Next Article Heshiiska Doorashada ee la saxiixay: Dhuroobe ayaa u dhashay, Dhagarqabena waa ka dhintay! (Qormo)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo