Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Farmaajo iyo Kheyre: Laba Musharax oo leh Waxqabad isku mid ah (Sidee lagu kala saari doonaa..? -Warbixin-)

    Farmaajo iyo Kheyre: Laba Musharax oo leh Waxqabad isku mid ah (Sidee lagu kala saari doonaa..? -Warbixin-)

    May 30, 2021Updated:June 3, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya waa xilligan 2021 waxaa ka mida laba musharax oo aan la kala saari karin, taariikhdana ku galay inay ahaayeen madaxweyne iyo Ra’iisal wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee isla soo shaqeeyay.

    Maxamed C/llaahi Farmaajo oo si lama filaan ah ku noqday Madaxweynaha Soomaaliya 8-dii Febraayo 2017, wuxuu isna si lama filaan ah 15 maalmood kadib Ra’iisal wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre, waxayna wada shaqeeyeen 3 sano iyo Bar ku dhowaad ilaa markii danbe khilaaf siyaasadeed uu Golaha shacabka xilka ka qaaday Xasan Cali Kheyre 26 July 2020.

    Farmaajo wuxuu mar si cad u sheegay inuu keenay Ra’iisal wasaare isaga ka fiican, waxaana u muujiyey kalsooni xad dhaaf ah ilaa uu xaaladda gaarsiyey inuu waxqabadkiisa ka mid yahay Ra’iisal wasaare iyo Madaxweyne isla dhammeysanaya xilliga 4-ta sano ah.

    Xasan Kheyre iyo Maxamed Farmaajo waxay wadeegeen wax kasta oo dowladii ay hoggaaminayaan ku kacday oo waxqabad, fashil, horumar ama dib u dhac ah, iyadoo aan la kala saari karin waxqabadkooda iyo eedaha ay galeen oo ay ugu horeyeen dhiibistii Qalbi-dhagax, weerarkii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo boobkii doorashooyinkii Maamul Goboleedyada K/Galbeed iyo Galmudug.

    Farmaajo wuxuu sheegtaa dhammaan horumarradii laga gaaray dib u dhiska ciidamada, deyn cafinta iyo kordhinta dhaqaalaha iyo miisaaniyadda, balse taageerayaasha Farmaajo waxay jecel yihiin inuu qaado eedaha iyo tacadiyadii ay geysatay dowladii ay wada hoggaaminayeen Xasan Kheyre iyo Farmaajo; halka Kheyre jeclaan lahaa inuu kaliya ku olole galo horumarkii la gaaray.

    Xasan Kheyre waxaa cad inuu Farmaajo uga hor yimid arrimaha doorashada iyo muddo kororsi uu sii ogaa inuu Farmaajo sameynayo, laakiin uma diyaarsaneyn inuu wajaho madaxweynihii magacaabay ee ay siu dhowaayeen, waana tan keentay in si dhib yar looga takhaluso.

    Ma kala cadda, isaguma ma caddeyn Kheyre inuu uga hor yimid qorshihii Farmaajo isagoo rajo badan ka qabay inuu xilka kala wareegi karo haddii uu is sharxo iyo inay dantiisu ahayd dhowrista dastuurka iyo diidmada sharci darrada.

    Halka Qodob loo diiwaan geliyey inuu Kheyre uga duwan yahay Farmaajo ayaa ah inuu ka hor yimid muddo kororsi iyo doorasho ku shubasho ah oo Farmaajo kusoo noqda, laakiin waxaa dadka ku adkaan doonta sidii ay labadan musharax u kala saari lahaayeen marka la gaaro doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, haddii ay tartabka galaan iyagoo laba musharax ah.

    10 Qodob oo Muwaadiniinta ka doonayaan (Farmaajo & Kheyre) inay ka jawaabaan kahor Doorashada 2020/21
    Doorashada Farmajo vs Kheyre Musharax Farmaajo Musharax Kheyre Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRW Rooble oo magacaabay Guddi Xaqiijinaya xubnaha laga saarayo Guddiyada Doorashada
    Next Article Mahdi Guuleed: “Walaallaha Koonfur waxaan ugu baaqayaa inay cashar ka bartaan Doorashada Somaliland”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo