Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Farmaajo & Kheyre ma waxay Ammaankii Qaranka u dhiibteen Sanbaloolshe?! [QORMO XASAASI AH]

    Farmaajo & Kheyre ma waxay Ammaankii Qaranka u dhiibteen Sanbaloolshe?! [QORMO XASAASI AH]

    August 31, 20173 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa markii labaad xilkan loo magacaabay April 2017 markii uu madaxweyne dalka ka noqday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Lama oga cidda ku dhalisay Farmaajo inuu xilkan u dhiibay siyaasigan oo ahaa shaqsiyad muran badan ka dhalisay dowladihii hore isla markaana aan aqoon weyn u lahayn arrimaha ammaanka inkastoo muddo 2 bilood ah uu isla xilkan kasoo qabtay dowladii Xasan Sheekh, kuna baxay khilaaf uu sabab u noqday oo lagu riday xukuumadii Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed.

    Dadka yaqaan Sanbaloolshe waxay ku tilmaamaan nin hankiisa xileed uu sarreeyo isla markaana ka arradan ixtirmaanka madaxda iyo dadka la shaqeeya ayaa intii uu xikan ka qabtay dowladda Farmaajo la dareemay inuu awood badan ku leeyahay Villa Somalia.

    Howgalkii xasilinta caasimadda iyo hadalladiisa qayaxan ayaa ku sigtay inay xiisad beeleed ka abuuraan Muqdisho, laakiin waxaa difaac u noqday wasiirka Amniga xukuumadda oo ah la wada aqbalsan yahay.

    Waxaa mar kale soo baxay kiiska Sarkaal ka tirsan ONLF oo dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya, kaasoo Soomaali badan ay ka xumaatay si weyna hoos ugu dhigtay sumcadda dowladda Farmaajo iyo Kheyre.

    Waxaa la yaab lahayd in Taliye Sanbaloolshe uu warbaahinta horteeda ku af qabtay kiiskan inuu ka hadlo ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo la weydiiyay su’aal ku saabsan dhoofinta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).

    Sanbaloolshe oo jawaabta afqabtay ayaa yiri: “Arrinka la xiriira sarkaalka la sheegay in uu ONLF yahay oo Dowladdu Wareejisay, een sidaa la socotaanba arrinkaasi waa arrin oo xasaasi ah, oo ay tahay wakhtigeeda iyo goobteeda in looga jawaabo, een anigoo afduubaaya Dowladda, waxaan jeclaan lahaa in arrintan aysan xiligan Dowladda ka hadlin”.

    Markii ay intaasi dhacday ayaa Ra’iisal wasaare Kheyre isna Sanbalooshe ku raacay afduubta xaqiiqada isagoo sheegaya inuu ka xog-ogaalsan yahay isaga, taasoo caddeyn u ah in ammaanka dalka ay Farmaajo iyo Kheyre u dhiibeen Sanbaloolshe.

    Ra’iisal wasaare Kheyre wuxuu yiri “Madaxda Qaranka waxaa la yiraahdaa Hay’addaha Sirdoonka ayaa u taliya, hadii uu na afduubo, isaga noo xog ogaalsan dalka amnigiisa”.

    TAARIIKHDA SANBLOOLSHE OO KOOBAN

    C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxaa uu ku dhashay Buulobarde 1968-dii, 2011-2012-kii, waxaa uu dowladda Sheekh Sharif noqday wasiirka amniga kadib markii uu geeriyooday Col. Cumar Xashi Adan, 2013/2014: waxaa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Ingiriiska, 2014-kii, dowladda Xasan Sheekh waxaa muddo 2 bil ahaa Taliyaha Hay’adda Nabadsugida , 2015-2016 waxaa kaloo uu muddo noqday safiirka Soomaaliya ee Turkiga, mar 2015-kii lagu soo daray liiska wasiirro uu soo magacaabayey Cumar Cabdirashid waxaa uu ka mid ahaa dadkii la diiday, April 2017 waxaa mar kale loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabadsugida.

    Dad badan ayaa aaminsan in dhaqdhaqaaqyada Sanbaloolshe ay keeni doonaan kacdoon xildhibaanada Federaalka uga hor yimaadaan xukuumadda iyo madaxtooyada Soomaaliya, sida hore u dhacay.

    Faallada Wadani

    C/kariin Qalbi dhagax Farmaajo Kheyre ONLF Sanbaloolshe Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHeshiis laga gaaray Aaska meydadka Weerarkii Bariire iyo Go’aanka Dowladda oo la shaacinayo
    Next Article DHAGEYSO: Mas’uul ka tirsan ONLF oo si qiiro leh uga hadlay dhiibista C/kariin Qalbidhagax

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo