Wuxuu u mahadceliyay Baarlamaankii 8-aad, madaxweyne Xasan Sheekh, Qareenadii Soomaalida iyo kuwii Ajnabiga ahaa
Madaweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanka kasoo baxey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ICJ, ee ku saabsanaa muranka ay Kenya gelisay badda Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay mid caddaaalad ah.
Farmaajo oo jeediyey khubad ayaa sheegay in arrintan lagu gaarey halgan dheer oo caddaaladeed, oo ku asteysnaa wadaniyad iyo midnimo. Wuxuuna u mahad celiyey Baarlamaankii 8-aad oo diiday heshiiskii is-afgaradka ee ay gashay dowladii KMG ahayd ee Sheekh Shariif, wuxuuna u mahad celiyey Madaxweynihii ka horeeyay ee Xasan Sheekh oo dacwadda geeyay Maxkamadda ICJ.
Wuxuu u mahad celiyey maxkamadda caalamiga ee caddaaladda ee ICJ dhamaan hawl wadeenadeeda, gaar ahaan qareenada iyo garsoorayaasha sida ay fuliyeen dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Wuxuu Farmaajo soo hadal qaaday, kaalintoodana ku bogaadiyey Qareenadii iyo khubaradii Soomaaliyeed, oo ay ugu horreeyaan Avv. Muna Sharmaan iyo Eng Maxamed Cumar Saalixi, oo dhawaan geeriyoodey, wuxuu kaloo magacaabay qareenadii ajnabiga ahaa.
“Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay u hoggaansameyso go’aanka maxkmadda, anagoo ka rajeyneyna dowladda aan deriska nahay ee Kenya inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, aysan iska ilaawdo damaceeda marin habaabinta ah, taas bedelkeedna ay go’aanka maxkamadda u qaadato fursad lagu xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri Farmaajo oo hoggaanka Kenya u jeediyey inay faragelin badan ku hayaan Soomaaliya, ayna wax kasta isku dayeen inay ka leexiyaan dacwadii ay Soomaaliya geysay Maxamadda ICJ.
