Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Farmaajo oo Qoraal uu isku difaacayo ku qoray ‘Foreign policy’, Sidee u taageeray muddo kororsigii fashilmay?

    Farmaajo oo Qoraal uu isku difaacayo ku qoray ‘Foreign policy’, Sidee u taageeray muddo kororsigii fashilmay?

    May 18, 2021Updated:May 19, 20213 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraal aragti ah oo uu isku difaacayo ku qoray Majallada Mareykanka kasoo baxda ee ‘Foreign policy’.

    Qoraalka Farmaajo oo aan aragti cusub ku jirin ayaa ujeedkiisu ahaa inuu iska difaaco magac xumo iyo sharaf dhac ka raacay muddo kororsigii 2-da sano ahaa eeloo sameeyay, wuxuuna eeda oo dhan dusha ka saray dhinacyo kale, halka uu muddo kororsigaasi ku tilmaamay fariiqa kaliya ee looga gudbi lahaa doorashada xulashada ah ee ay afduubka ku heystaan odayaasha iyo madaxda maamul Goboleedyada oo shacabka ka hortagaan inay codkooda wax ku doortaan sida uu ku dooday.

    Maxamed Farmaajo oo keligii isu gar dhigtay ayaa maqaalkiisa cinwaan uga dhigay: “Ha igu eedeyn aniga dib u dhaca Doorashada Soomaaliya”, wuxuuna sidii uu hore marar badan u sheegay inay Doorashadii tooska ahaa diideen qaar ka mida Maamul Goboleedyada o ah Puntland iyo Jubbaland.

    Wuxuu eedeynta labaad u jeediyey Beesha Caalamka qaarkood oo muddo kororsiga si kale u fasiray, kana hor yimid, sida UN-ka, Mareykanka, UK iyo Midwga Yurub, isagoo u muuqda inuu doonayey inay ku taageeraan muddo kororsiga oo uu sheegay in Baarlamaan xor ah uu u aray danta dalka, laakiin si kale loo dhigay.

    “Doorashada Soomaaliya dib uguma dhicin in aan doonayo sii haysashada xukunka, balse waxaa arinkaa sabab u ah khilaaf kala qeybiyay dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah,” ayuu Farmaajo ku qoray maqaalkiisa.

    Wuxuu eedeyn kale jeediyey dad uu ku tilmaamay kuwo gaara ay u doonayaan inay afduub u qabsadaan shacabka oo ay afartii sanaba doorasho xulasho ah u taagan yihiin, wuxuuna is weydiiyay:

    “Waxaa la joogaa xilligii ay Beesha Caalamka weydiin lahayd: Maxay tahay sababta ay odayaal beeleed kooban iyo madaxda maamul goboleedyada la haystayaal uga dhigtaan shacabka Soomaaliya afartii sanoba mar? Maxay tahay sababta ay dad kooban u aamusinayaan shacabka malaayiinta ah ee ay sheegaan inay metalaan?”

    Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday in hannaanka doorashada dadban uu yahay midka la haray dimuqraadiyadda Soomaaliya, isla markaana aan sii socon karin. “In heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya ayaa ka dhigan in laga qanciyo dhammaan saamileyda, xilli kasta iyo arrin kastaba” ayuu ku cataabay Farmaajo.

    Wuxuu kaloo eed kala dul dhacay siyaasiyiin uu sheegay inay qalalaase ka abuureen caasimadda, isaguna uu Baarlamaanka ka codsaday in lagu noqdo Doorashadii dadbaneyd.

    Farmaajo wuxuu rajo ka muujiyay shirka lagu wado in 20-ka bishan looga arrinsado doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono hannaanka doorashada.

    Farmaajo sooma qaadin inuu dalka gaarsiin waayey, kuna fashilmay qabashada Doorasho aya ahayd inuu ka shaqeeyo afartii sano ee uu sharciyadda heystay iyo sida uu u kala qeybiyey maamul Goboleedyada, labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna maqaalkiisu u muuqday mid uu isaga fogeynayo guuldarro siyaasadeed oo uu hore u xambaartay markii uu isku dayey inuu kursiga kusii joogo si sharci darro ah sanado kale.

    Farmajo Foreign Policy Qormo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSheekh Shariif oo si yaab leh u taageeray Rooble. “Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa Ra’iisul Wasaraha”
    Next Article Alshabab oo Bayaan kasoo saartay Weerarka Yuhuudda ku heyso Marinka Gaza iyo digniin ay dirtay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo