Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, July 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Farmaajo oo sheegtay inuu hakiyay Awoodihii Ra’iisal Wasaare Rooble (Akhriso Wareegto la yaab leh)

    Farmaajo oo sheegtay inuu hakiyay Awoodihii Ra’iisal Wasaare Rooble (Akhriso Wareegto la yaab leh)

    September 16, 2021Updated:September 16, 20213 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaaday tallaabo aan hore loo arag, kadib markii wareegto uu soo saaray uu ku sheegay inuu hakiyey awoodihii Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    Qoraalka Madaxweynaha ayaa yimid, kadib khilaaf iyo loolan dhinac awooda ah oo kala dhaxeeyay Ra’iisal Wasaaraha, waxaana la ogyaay in Farmaajo uu waqtigii xilka ka dhammaaday Bishii Febraayo 2021 oo aanu xilligan lahayn awood dastuuri ah, marka laga soo tago inuu xilka iyo shaqada Ra’iisal wasaaraha saameyn ku yeelan karo.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA FARMAAJO

    FARMAAJO; Markuu arkay tallaabooyinka khilaafsan Dastuurka KMG ah ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble sida ku cad Qodobka 87aad, Xarfaha (b) iyo (c) iyo Qodobka 90aad, Xarfaha (b), (c) iyo (e);

    Markuu ka weecday waajibaadkii loo igmaday Xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas;

    Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaadanayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni;Markuu arkay in Wasiirka Koowaad uu sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda iyo mushaaraadka Ciidamada Qalabka sida iyo awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood;

    Markuu xaqiiqsaday in Ra’iisul Wasaaraha latashi iyo wada shaqayn la lahayn Madaxweynaha, isaga oo ku dhaqaaqay inuu soo saaro go’aanno ku keli ah oo aan waafaqsanayn shuruucda iyo Dastuurka dalka taas oo ay ka dhalatay xil-gudasho la’aan;

    Maadaama Madaxweynuhu yahay Astaanta midnimada qaranka, Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka;Madaxweynuhu wuxuu xeeriyay qodobadan;

    1. Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban.

    2. Inta lagu jiro xaaladdan, hay’adaha kala duwan ee dowladdu waxay sii wadayaan hawlaha ay shacabka ugu adeegayaan ee lagama maarmaanka u ah socodsiinta hawlaha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 102aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah oo si cad u qeexaya in Wasiir kasta uu isagu masuul ka yahay Howlaha Wasaaraddiisa, ayna tahay in lagu tixgeliyo, iyagoo aan ku dhaqaaqi karin xil ka qaadis iyo xil magacaabis inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka.

    3. Maadaama ay dhammeystirmeen dhismaha guddiyada doorashooyinka ee Heer Federal (FEIT) iyo kuwa heer Dowld Goboleed (SEIT), Xallinta Khilaafaadka, si buuxdana loogu heshiiyay habraacyada, miisaaniyadda, qorshaha amniga doorashada iyo dhammaan waxyaabihii ay ku xirnayd qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii lagu xalliyay tabashooyinkii kasoo laabtay 27ka May 2021, lana guda galay doorashooyinka Labada Aqal.

    Sidaas darteed, waxaa lagu dhiirrigelinayaa dhammaan hay’adaha ay khuseeyso hawlaha doorashooyinka inay dardargeliyaan si waafaqsan Jadwalka Doorashooyinka ee la faafiyay.

    Doorashada Farmaajo Rooble Top WAREEGTO
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKhilaaf Kursi aan Caadi ahayn oo keenay in Dib loo dhigo Doorashadii Aqalka Sare ee Hirshabelle (Akhriso)
    Next Article Yaa leh Dhulkii Lagu dagaalamay ee Degmada Hodon? (Wasaaradda Howlaha Guud oo War kasoo saartay)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo