Madaxweynihii hore ee Dowladda Federalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay mabda’ ahaan heshiiska Doorashada ee ay magaalada Muqdisho ku gaareen madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay inuu mabda’ ahaan oo dhoweynayo go’aanadii ka soo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaranka, gaar ahaan Doorashooyinka Heer degmo, dowlad Goboleed ilaa heer dowladda Federaalka.
“Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, taas oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan”. Ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.
Wuxuu qoraalkiisa Farmaajo ku sheegay in lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya Dastuurka KMG ah, kuwaasoo wax ka beddelaya qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed.
“Sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL)”. ayuu soo jeediyay madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.