Waxaa maanta dalka ka bilowady Tallaalka Cudurka Covid-19, iyadoo la adeegsanayo tallaalka AstraZeneca, iyadoo wasiirka Caafimaadka xukuumadda xil gaarsiinta ay noqotay qofkii ugu horeeyay ee Soomaaliya laga tallaalo cudurka.
Madaxweynaha xilkiisu dhammaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna qaatay tallaalka Cudurka COVID-19, sida ay shaacisay Maadaxtooyada Soomaaliya, isagoo sheegay inay asuuliyad adag ka saaran tahay daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey.
Mas’uuliyiinta maanta la tallaalay waxaa ka mida xubno ka mida Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana lagu wadaa in tallaalkan oo laba jeer la qaadanayo laga tallaalo shaqaalaha caafimaadka oo baahi weyn u qaba.
Shixnado Tallaal ah oo laga qaaday magaalada Muqdisho ayaa ka degay magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa oo qeyb ka ah Tallaalka AstraZeneca ee Soomaaliya loogu deeqay.

