Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Faroole iyo C/weli Gaas oo Qalalaasihii Boosaaso dusha u saaray xil. Sacdiya (Akhriso)

    Faroole iyo C/weli Gaas oo Qalalaasihii Boosaaso dusha u saaray xil. Sacdiya (Akhriso)

    July 13, 2022Updated:July 13, 20222 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynayaashii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, C/weli Maxamed Gaas iyo siyaasiyiin kale ayaa qoraal ay soo saareen ku eedeeyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya inay mas’uul ka ahayn shaqaaqadii ka dhacday magaalada Boosaaso.

    Qoraalka siyaasiyiintaasi ayaa lagu yiri: “Waxaa cad in dhibkii halkaa ka dhacdey iney mas’uul ka tahay Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Golaha Shacabka JFS Sacdiya Salaad Samatar iyadoo baalmartey nidaamkii dowliga ahaa oo dalku lahaa”.

    Isimada Gobolka Bari ayaa si weyn uga hor yimid celinta diyaaradii ay la socotay xildhibaan Sacdiya Yaasiin, waxayna maamulka Puntland ka dalbadeen raaligelin, balse waxaa muuqata in siyaasiyiinta soo saaray qoraalkan ay dhinac la safteen.

    Hoos ka akhriso Qoraalka

    WARSAXAAFADEED

    Annagoo ah:

    Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole (Madaxweynihii hore ee Puntland),

    Cabdiweli Maxamed Cali Gaas (RW hore ee DFS iyo Madaxweynihii hore ee Puntland).

    Axmed Ciise Cawad (Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee DFS). Cabdikhadar Shaaciye (Wasiir hore ee Puntland ahna Xubin Golaha Shacabka ee Puntland). Maxamed Cabdiraxmaan Faroole (Lataliyaha Amniga ee Puntland). waxaan halkaan ku soo jeedineynaa arrimaha soo socda:

    1. Waxaan annagoo aad uga murugeysan ka tacsiyeyneynaa geerida iyo dhaawaca naxdinta leh ee ka dhalatay qalalaasihii ka dhacay Boosaaso 11kii June 2022. Waxaan intii dhimatay Alle uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf ehelkoodana samir iyo iimaan. Inta dhaawaca ahna Allaha siiyo caafimaad dhaqsa ah.

    2. Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa cidda masuulka ka ah dhibtaas weyn ee dhalisay dhimashada iyo dhaawaca, khalkhalkana gelisay xasiloonida Puntland.

    3. Waxaa cad in dhibkii halkaa ka dhacdey iney mas’uul ka tahay Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Golaha Shacabka JFS Sacdiya Salaad Samatar iyadoo baalmartey nidaamkii dowliga ahaa oo dalku lahaa.

    4. Waxaan ugu baaqeynaa qeybaha kala duwan ee reer Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso inay ilaashadaan nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dowladnimo ee Alle ku mannaystay.

    5. Puntland waxay leedahay Maamul la doortay iyaga ayaan ah dariiqa ugu mudan ee ay tahay in la maro xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

    6. Waa in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara isla shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada.

    Wabillaahi Towfiiq

    Boosaaso C/raxmaan Faroole C/weli Gaas Puntland Sacdiya Yaasiin Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo shaacisay inuu Geeriyooday Mid ka mida Culimadooda ugu waaweyn iyo..
    Next Article Xasan Sheekh iyo Xamza oo Siciid Deni la gaaray waanwaan ku saabsan Shaqaaqadii Boosaaso iyo..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo