Waxay ahayd khudbad qiiro leh oo qofka jeedinaya u muuqday inuu daacad ka yahay, waa madaxweynihii Qaranka ee ku dhaartay inuu dalka iyo dadka ku hogaamin doono cadaalad, sharcigana ilaalin doono, waa Xasan Sheekh Maxamuud..! waa madaxweynihii Baarlamaanka Soomaaliyeed u doortay inuu hogaamiyo dowladii ugu horeysay oo rasmi ah 22 sano kadib.
Marka uu hadalkaas jeedinayoXasan Sheekh wuxuu hor taagan yahay Baarlamaankii Soomaaliyeed oo intooda badan ay fadhiyaan, wuxuuna halkaas u tegay inuu kalsooni u weydiiyo Ra’iisal wasaarihii saddexaad ee uu soo magacaabay Cumar C/rashiid..!

Ereyadii ugu saameynta badnaa ee uu halkaas ka yiri waxaa ka mid ahaa: ”
Waxan rabaa maanta si gaara u sheego arrinta ku saabsan musuqmaasuqa, lunsashada hantida dadweynaha….Musuqmaasuq waxaa idinla wadaagayaa oo  tusaale loogu soo qaatay qof baahday…. oo jirkiisa qeyb ka mida goostay, kadibna dubtay oo cunay (hilibkiisii.)…, markii in muddo ah joogay haddana baahday oo qeyb kale oo jirkiisa ka mida goostay, hadana cunay…! qofkaas wuxuu ka cararayaa waxay ahayd baahi, laakiin markii danbe waa dhimayaa…Walaalayaal Musuqmaasuqu waa na dilayaa, waa jirkeeda oo aan goosaneyno, kolba cad cuneyso…… Sanadkan 2015, waxan codsanaa inaan meel uga oo wadajeesano……: musuqmaasuq, lunsasho hanti dadweyne ayaa lagu heystaa qofkii la yiraahdo aan dulqaad ka muujino oo sharciga u deyno, mowqif mideysan aan ka yeelano waa codsi qaran…”.
Waxaa loo qaadan karaa qofkii arrinta dibadda ka joogo in Madaxweynuhu daacad yahay, laakiin su’aalo badan ayaad isweydiineysaa marka aad hoos u eegto xaalada dhabta ah ee madaxtooyada Soomaaliya taalla iyo hadalka madaxweynaha, waxaana su’aalahaas ka mida;
1. Madaxweynuhu ma duni kale ayuu la heystaa mise waxa uu faraha kula jiro ee ka socda madaxtooyada warba kama hayo?!!!!
2. Miyaa laga gardarran yahay oo madaxweynaha waa la dacaayadeeyaa isna waa DEEl hoos u jeeda?!!!
3. Sidee isu qabaneysaa wixii aan u soo joognay iyo waxa aan ka maqleyo odaygii Qaranka u sareeyay, mise darajada sare ee munaafaqnimada siyaasadeed ayuu qaatay?!!!
Fariintii QARAN ee madaxweynaha u jeediyay xildhibaannada ee ahayd in musuqmaasuqa lala dagaalamo..!! inaysan dhego laab u daloola ku dhicin waxaan ka dareemay xildhibaan isagoo kulanka fadhiyay la weydiiyay wixii madaxweynaha ka hadlay oo ku jawaabay: “Ma garanayo” iyo mid kale oo isagoo yaaban yiri: “odaygu waaba ka soo daray ma camalkiisii ayuu naga waaniyayaa”.
Aan u soo daadego farriintii aan doonayay inaan madaxweynaha gaarsiiyo mar haddii ay caddaatay inaysan tiisii halkii uu ka yiri dhaafin sababtoo ah waxaa madaxweynaha loo arkaa inuu musuqmaasuqa uu sheegayo isagu ka mid yahay arkaanta uu ku taagan yahay dowladda dhexdeeda.
1. Marka aad eegto sidii madaxtooyada u maamushay mooshinkii lagu riday xukuumadii hore ee C/weli Sheekh, laaluushkii joogtada ahaa  madaxweynaha iyo kooxdiisu u adeegsadeen xildhibaannada.
2. Marka aad ogtahay in heshiisyada dowladu gashay ee shirkadaha iyo dalalka shisheeye gebigood madaxtooyadu ku lug leedahay.
3. Marka aad la socoto in madaxtooyda laga maamulo ilaha dhaqaalaha ee dekadu ugu horeyso, lagana bixiyo qandaraasyada dowladda.
4. Marka aad aragto shaqsiyaad aan wax xil ah ka ahayn dowladda inteeda kale ee madaxtooyada saaxiibo ah kana awood badan wasiirada iyo hay’adaha kale ee dalka.
5. Marka ay xaqiiqadeeda ku hortaallo baaritaanadii hanti dhowrka guud sameeyay ee madaxtooyadu ka mid tahay iyo wasiirada beelnimada isku difaacaya ee hanti lunsahada ku caddaatay.
Waxaa kuu soo baxaya:Â
1. Inaad madaxweynow lumisay taageeradii shacabka ee aad kasbatay intii ololaha xilka madaxweynaha aad ku jirtay adigoo balanqaaday inaad la dagaalamayso musuqmaasuqa.
2. Inaad hogaan u tahay musuqmaasuqa jira, balse aad heysto fursad aad ku sixi karto, haddii adiga musuqa aad dagaal ku qaado ay dowladda inteeda kale isbedeli karto.
Madaxweynow wuxuu musuqmaasuqu ku yaraan karaa:
1. Inaad madaxtooyada ka bilowdo joojinka musuqa.
2. Inaad dhiiri geliso sameynt hay’adihii Qandaraasyada Qaranka qaabilsaneyd, heshiisyada dowladda galeysana lagu maamulo si aan qarsoodi, daneysi iyo qaraabokiil ahayn.
3.Inaad gacan siisid hay’adaha bilowga ah ee xisaabtanka wada sida hanti dhowrka iyo xeer ilaalinta.
4. Inaad cadaadis beeleed ciqaabta ay mudan yihiin uga fakin mas’uuliyiinta aad ogtahay inay hanti qaran iyo mid dadweyne lunsadeen ee aad ogtahay, xafiiskaadana laga heli karo caddeymahii lagu soo eedeeyay.
5. Inaad iska fogeyso ku lug lahaanshaha heshiisyada dowlada iyo dalalka kale iyo shirkadaha wada galaan.
FARRIINTAN MUWAADIN waxaan ku soo gabagabeynayaa Haddii aadan intaas iyo kuwo kale oo lagu soo celinayo rajadii ay kaa qabeen dadka Soomaaliyeed ku guuleysan weydo, waan hubaa inaysan dadka caadiga ah kaa akhrisan doonin wixii aad musuqmaasuq ka sheegto oo xumaan ah sida uusan warkaada uga daadegeynin xildhibaan aad kumanaan doolar u siiseen inaad codkiisa heshaan.
Faallooyinka Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]