Filimkii kooxda Alshabaab soo saareen ee dilalka Qorsheysan ayaa cabsi iyo argagax geliyey dad fara badan oo adeegsada baraga bulshada iyadoo fal celin tallooyin kala duwan laga bixiyey. [Dawo Sawirrada]
Filimka oo kooxda Alshabaab ay ku soo ururisay muuqaalo naxdin leh oo oo muujinaya dad fara badan oo la dilayo oo isugu jira sarakiil, mas’uuliyiin iyo odayaal ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, waxayna ahayd markii ugu horeysay ee Alshabaab ay filim noocaas ah la soo shir tagto.
Sida dhiirinaanta leh oo loo fulinayo dilalka iyo in magaalooyinka dhexdooda lagu duubo dilalka qorsheysan ayaa ahayd arrinta ug weyn ee keentay in wax la iska weydiiyo arrimaha amniga caasimadda iyo fashilka hay’adaha amniga ka heysta ka hortagga falalkaasi.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan xildhibaannada Barlamaanka federaalka balse ku kacsan dowladda Farmaajo iyo Kheyre ayaa soo jeediyey in dowladdu baarto cidda leh “MASHRUUCAAN AAN DILEE I DUUB”.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Alshabaab dalka waa joogi jireen, waxna waa dili jireen, laakin waxaa dareenkiisa kiciyay, una baahan ayuu ku soo koobay arrimaha soo socda:
1. Dilalka waxaa la geysanayaa maalin cad, goobo bartamaha magaalada ah oo waliba inta badan ay fadhiyaan ama joogaan dad badani!
2. Qofka inta aan la dilin kahor muuqaalkiisa si buuxda ayaa loo duubayaa!
3. Qofka wax dilaya meel aan ka yara fogeyn qofka la dilayo ayuu kasoo dhaqaaqayaa, inta uu soo socdana saanqaadkiisa, bistoolada uu wax ku dilayo iyo xabadaha uu ridayo dhamaan waa la duubayaa!
4. Inta qofka xabadaha lala dhacayo, inta uu ka dhacayo, ilaa naftu ay ka baxdo qadar kooban ayay dul taagnaanayaan meydkiisa iyaga oo duubaya!
5. Qofka wax duubaya iyo midka wax dilaya in kastoo wajiyadooda aysan muuqan hadana wax cabsi ah kama muuqato qaabka ay dilalka u fulinayaan iyo muuqaalada ay duubayaan intaba. Taas oo micnaheedu yahay in ay jiri karaan ilaalo kale oo amnigooda sugeysa oo aan ahayn qofka wax dilaya iyo midka wax duubaya!
Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqaynaa Xukuumada in arintaan si deg deg ah u baarto, tilaabo cadna ka qaado, iyo sidoo kale in ay dib ugu laabato qaabka loo maareynayo amniga magaalada Mogadishu iyo ciidamada la sheegay in ay sugayaan amniga Gobolka Banaadir.