Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xukuumadda»Hiigsiga cusub»Fitnadii Federaalka oo ka dhex bilaabatay Banaadir iyo Maamulka K/Galbeed (Maxaad ka taqaan Jilayaasha?)

    Fitnadii Federaalka oo ka dhex bilaabatay Banaadir iyo Maamulka K/Galbeed (Maxaad ka taqaan Jilayaasha?)

    April 22, 2015Updated:April 22, 20153 Mins Read Hiigsiga cusub
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Nidaamka dowlad Goboleedyada iyo Federaalka ku dhisan ee Soomaaliya qaadatay waxay dad badani ka digeen inuu yahay nidaam loogu talogalay in Soomaaliya lagu sii qeybiyo, isla markaana keeni doono fitno dagaalo sokeeye oo dib uga curta Soomaaliya iyadoo la isku qabsan doono degaanno qabiil ku saleysan. Laakiin wax kastuu nidaamkani noqon lahaaba waxaa  hareeyay qorshe la’aan iyo degdeg ay hormuud u yihiin hogaamiye kooxeedyo iyo siyaasiyiin jago doon ah.

    kgalbeed

    Ilaa iminka ma jiro maamul si nidaamsan oo sharci ah loo sameeyay ama loo raacay sharci qoran oo tilmaam ka bixinaya qaab dhismeedka maamulada la doonayo inay dalka ka hir galaan oo ay ka mid noqdeen federaalka. Waxaad moodaa in qorsheyntii ay ka hor martay shaqadii, sharcigiina laga hor mariyay rabitaankii dadka yar. Waxan oo dhami waxay dhacayaan iyadoo aanay jirin:

    1. Sharci xadidaya inta maamul ee dalka yeelanayo

    2. Guddiyadi kala xadeyn lahaa gobolada iyo maamulada la dhisayo

    3. Dowladii Federalka oo awood u lahayn inay hagto qaabka dalku ku socdo oo dowlado dano kale ka lihi ay hor boodayaan

    Waxaa la yaab noqotay in maamulka Koonfur Galbeed ee KMG ah oo uu madax ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ay durba ku dhaqaaqo inay iskeed u calaameyso xuduuda ay la leedahay Gobolka Banaadir. Tallaabadani waxaa iyana looga hortegay qaab awood ah oo ka darran iyadoo maamulka Gobolka Banaadir adeegsaday inuu astaamihii maamulka K/Galbeed burburiyo..!

    Waxaa marka aan macquul ahayn in K/Galbeed isku mashquuliso xuduud iyadoo maamulkani bilow yahay isla markaana howlo badan oo waaweyn u yaalaan, sida horumarinta adeegyada degaanada uu ka taliyo, iyo nabadgelyada wadadda isku xira Baydhaba iyo Muqdisho oo xaalkeeda la ogyahay, laakin waxaad moodaa in tallaabadani ay tahay qorshe ay ka danbeeyaan xubno qorshe gooni ah wata oo cadaawadi kala dhaxeyso mas’uuliyiin gaara oo Gobolka Banaadir ku sugan.

    [ad name=”HTML-1″]

    Mas’uulka howshan ku dhaqaaqay waa Wasiirka Ganacsiga G/Galbeed C/laahi Sheekh Xasan oo laf ahaantiisu fadhigiisu yahay Muqdisho, talaabada uu qaaday waxaa lagu tilmaami karaa inuu ugu jawaabayo dad uu u dan leeyahay oo dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo, laakiin waa astaan dhiilo sidata oo hordhac u ah nidaamka federaalka ee la doonayo inuu dalka ka hirgalo, fitnada nidaamkanki wato haddii aan sharci loo helin lagu xakameeyo waxay ku filan tahay inay Soomaalidu isku mashquusho rubuc qarni kale.

    C/llaahi Sheekh Xasan iyo C/fataax Geesey waxaa cad inay si weyn ugu kacsan yihiin madaxweynaha dowladda Federaalka oo arrimo badan ka tabanayaan iyo inay doonayaan inay awooddooda muujiyaan xilligan wax waliba isku qasan yihiin laakiin wasiiryaalow shaqadiinu haka weynaato yoo-yootan siyaasadeed iyo is muujin.

    Kasoo qaad in Koonfur Galbeed xuduudkeedu cad yahay, xaqna u leedahay inay dhulkeeda ilaashato, kuna soo rogto sharciyo maamulada  ay deriska la tahay, haddiina ay sidaas arrintu tahay maxaa Gobolka Banaadir u xal ah…?. Xamar waa caasimad dhulkeedu aad u yar yahay marka loo eego gobolada kale ee ku xeeran, waxayna ku tiirsan tahay gobolada ku xeeran sida labada Shabeele oo nolol u ah, iyadana waxaa ku tiirsan dhammaan gobolada kale. Sida wax u socdaan ma aha mid rajo fiican muujineysa, waxaase fiicanaan lahayd in jilayaasha fitnada federaalka aanay xumaanteeda noo soo hor marin ugu yaraan.

    Wadani.com

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-6″]

    [ad name=”HTML-1″]

    Banaadir K/Galbeed Xuduud
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMusharax C/kariin Guuleed: Miine-baaraha siyaasadeed ee kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh (FAALLO GJ)
    Next Article AU: Somalia sex abuse allegations largely unproven

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo