Friday, May 16, 2025

Musharax C/kariin Guuleed: Miine-baaraha siyaasadeed ee kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh (FAALLO GJ)

Wasiirkii hore ee Amniga dowladda Soomaaliya Md. C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si rasmi ah maanta uga dhawaaqay degmaa Cadaado  inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe kadib muddo dheer oo la hadal hayay in loo wado xilkaasi.

Xaflad si fiican loo agaasimay  oo ay ka qeyb galeen dhinacyada ku howlan dhismaha maamulka Gobollada Dhexe ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay musharaxnimada C/kariin Guuleed oo ah saaxiib weyn oo madaxweyne Xasan Sheekh leeyahay, waxaana goobta lagu soo bandhigay dad diyaarsan oo taageeraya musharaxan.

musharax-guuleed

Ad

[ad name=”HTML-1″]

Musharax C/kariim Xuseen Guuleed oo khudbad ka goobta jeediyay ayaa sheegay inuu waxa ugu horeeyo ee uu qaban doono ay tahay xasilinta ammaanka haddii xilka loo doorto,  wuxuuna intaas ku daray in la xoreyn doono degaanada Alshabaab gacanta ugu jira, lana dagaalami doono burcad badeeda.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa loo arkaa inuu yahay shaqsi miine baare siyaasadeed u ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxda madaxweynaha ku xeeran ee dadka qaarkii ugu yeeraan Damjadiid. Waxaan shaki lahayn in C/kariin Guuleed noqon doono haddiiba ay dhacdo inuu xilkan ku soo baxo mas’uulkii ugu horeeyay ee kooxda madaxweynaha u gala Soomaaliyada cusub ee qaabkeeda la yagleelayo.

- Advertisement -

Haddiise ay dhacdo inuu fashilmo Ina Guuleed, waxay tani caddeyn u noqon doontaa rajo xumo  soo gasha kooxda madaxweynaha, halka guushiisu  sare u qaadi doonto hamigii madaxweyne Xasan Sheekh inuu dib jagada madaxweynaha ugu soo laabto kadib 2016-ka.

Waxay kaloo guusha C/kariin soo shaac bixin doontaa sida Soomaalidu wax ku doorato ee dhabta ah inaysan ahayn waxqabad, sumcad iyo tijaabo hore oo aflaxday ee qof waliba oo jago doonaya ay tahay inuu maro dariiq cad oo kuwaasi oo dhan ka duwan. Dadka qaarkood waxay C/kariin ku eedeeyaan waxqabad la’aan inuu isu casilay, taasoo ah qiimeyn dhinac u xaglineysa.

Madaxweynaha iyo kooxdiisa waxay ku fashilmeen dhamaan maamuladii kale ee dhismay sida:

1. Puntland oo hore u jirtay, ahna maamulka ugu weyn ee siyaasadooda ku hor gudban.

- Advertisement -

2. Jubba: Axmed Madoobe oo heshiis meel dhexaad ah ay kula jiraan, balse marka xaaladu masiiri noqoto aysan 100% isku hubin

3. K/Galbeed: oo sidoo kale ay saaxiibnimo ka dhaxeyso laakiin la ogyahay inuu rabitaankooda oo kale ka leeyahay talada dalka.

Sidaas ayuu waagu ugu baryay kooxda Madaxweynaha oo xilli dambe ay ku tashadeen inay inta hartay maamulada la dhisayo gacantooda galaan, inkastoo loolan adag oo dhinacyo kala duwan wajahayaan haddana waxay heystaan hanti iyo awood qaran oo ay ku meel marin karaan, haddiise iyagoo intaas oo fursad ah heysta fashilmaan waxay mugdi gelin doontaa mustaqbalkooda siyaasadeed oo dhan.

Ugu danbeyn geesinimada uu muujiyay Ustaad C/kariin Guuleed iyadoo dayaacado badan ku wareegsan yihiin waxay muujineysaa in kooxdiisu ka go’an tahay inay mar kale hormuud u noqoto Soomaalida cusub, laakiin dhinaca kale xaalad kasta oo rajada musharaxan wiiqda waxay saameyn xun ku yeelan doontaa koox muddooyinkan danbe dadka dhexdiisa aan magac fiican ku lahayn oo madaxweyne Xasan Sheekh hormuud u yahay.

Faallooyinka Goobjooge.com


DSC_0121DSC_0168 (1)DSC_0189DSC_0246DSC_0255DSC_01881

 

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON