Shil gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan laba Carruur ah, iyadoo laba kalane ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu Gaari jiiray.
Shilkan ayaa ka dhacay gagaarka Buundooyinka, degmada Waabari ee Gobalka Banaadir, waxayna dadka degaanka sheegeen in Gaari oo ahaa nooca raaxada uu ka baxay Laamiga, wuxuuna ka daba tegay Carruurta oo u socoday dugsi Qur’aan oo xilligaasi mareyay kasoo hor jeedka xarunta UNICEF ee degmada Waaberi.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhigga degmada Waberi ayaa sheegay in Gaariga ay wateen 4 qof oo laba ka mid ah ay yihiin dumar, loona maleynayo inay sakhraansanaayeen ama ay isticmaaleen daroogo, xalay oo dhana dhafar ku jireen.
Waxaa goobta ka baxsaday darawalkii Gaariga, waxayse ciidamada gacanta ku dhigeen saddexdii qof ee la socda Gaariga, iyadoo lagu xiray Xarunta CID-da ee Ciidamnada Booliiska.