Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»KASHIFAAD: Kaalintee ayuu Xildhibaan/Ganacsade Siciid Nuur Giriish ku lahaa xil ka qaadistii Wasiirka Awqaafta?

    KASHIFAAD: Kaalintee ayuu Xildhibaan/Ganacsade Siciid Nuur Giriish ku lahaa xil ka qaadistii Wasiirka Awqaafta?

    July 10, 20182 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xil ka qaadistii degdega ahayd ee shalay 9-ka July 2018 lagu sameeyay wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya oo muddo ka yar 50 maalmood xilka hayey ayaa la yaab ku noqotay inta badan dadka Soomaaliyeed, isagoo noqday wasiirka ugu mudadda yaraa ee soo mara xukuumadihii dalka.

    Xasan Macalin Xuseen ayaa dhexda u galay loolan ka dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka iyo ganacsade xildhibaan ah oo heysta leynka Xajka ee xujeyda Soomaalida loogu qaado sanad kasta mowsimka xajka, waxayna arrintan ka dambeysay markii madaxda dowladda Somalia ay qorshe u dejiyeen in Duulimaadka Xajka uu noqdo mid aan u xirneyn shaqsi iyo shirkad gaara.

    Qorshahan ayaa ku wajahan in Ganacsadaha caanka ah, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Siciid Nuur Giriish oo leh shirkadda Jubba Airways gacantiisa laga bixiyo leynka xajka ee uu mudadda dheer heystay, iyadoo sanado badan ay cabasho ka jirtay adeeg xumo iyo qiime sare oo xujeyda Soomaalida heysatay.

    Kadib markii aakhirkii Bishii May xilka loo magacaabay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xasan Macalin Xuseen oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la sheegay in loo faray inuu ku socdo qorshaha dowladda ee ah in Shan shirkadood ay ka qeyb qaataan duulimaadka Xajka ee sanadkan, loona gooyey qiime dhan $3300. [Akhriso Warkan]

    Xogta ayaa sheegeysa in Wasiirka markii uu dhowaan Cumreysi u tegay Sacuudiga ay la wareegeen maamulka shirkadda Jubba ayna ka dhaadhiciyeen inuu dhinacooda la safto iyagoo u sameeyay balanqaadyo, taasoo keentay inuu wasiirku xil ka qaadis ku sameeyo wakiilkii qaabilsanaa arrimaha xajka ee wasaaradda, isla markaana ay isku dhacaan maaxdii kale ee wasaaradda.

    Wasiir Xasan Macalin Xuseen ayaa la sheegay inuu heshiis hoose la galay Ganacsade Siciid Nuur Giriish, isagoo iska dhega tiray qorshihii madaxda dowladda, taasoo keentay inay isku dhacaan wasiirka iyo Ra’iisal wasaaraha, waxayna arrintii kusoo dhammaatay xil ka qaadis lama filaan ah oo degdeg ahayd.

    Madaxda dowladda Somalia ayaa u arka Xildhibaan Saciiid Nuur Giriish mid ka mida tujaar xarbiga Soomaalida oo ay qasab tahay in laga fara maroojiyo adeegga xajka ee uu mudadda dheer iska heystay, isagoo heshiisyo aan xalaal ahayn kula jira amiiro sacuudigaan ah iyo wasiir kasta oo soo mara wasaaradda Awqaafta & Arrimaha diinta.

    Jubba Airways Top Xajka Xasan Macalin Xuseen Xildhibaan Siciid Nuur Giriish
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaabiis ay ka mid yihiin Siyasiyiin oo laga sii daayey Xabsiga Jeel Ogadenia ee Magaalada Jigjiga
    Next Article Gaari ay Caruur ku jiiray oo dhimasho & dhaawac dhaliyey magaalada Muqdisho [Darawalkii oo baxsaday]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo