Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gaari uu la socday Nabadooonno caan ah ay ciidamada Dowladda ku rasaaseeyeen Caasimadda.
Gaariga la rasaaseeyay ayaa waxaa uu la socday Gaariga siday Imaamka Beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf, waxayna ka mid ahaayen Odayaal iyo mas’uuliyiin ka yimid tacsida Jeneraal Galaal; waxaana la sheegay inay ciidamada Asluubta ku rasaaseeyey wadadda tagta Xabsiga dhexe ee Muqdisho.
Gaariga ilaalada Imaamka ee la rasaaseeyay ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay askari ilaalo u ahaa, halka Gaariga ay Matoorka rasaas uga dhacday, waxaana Shilku ku yimid markii ay kala shakiyeen ciidamada Asluubta ee ku sugnaa barta Koontarol iyo ilaalada Imaamka.
LA SOXO WIXII SOO KORDHA..
