Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Muran Sharciyeed ka dhashay Qaraar uu qabyo ahaan ku saxiixay Farmaajo (Siyaasiyiin iyo sharci yaqaano..)

    Muran Sharciyeed ka dhashay Qaraar uu qabyo ahaan ku saxiixay Farmaajo (Siyaasiyiin iyo sharci yaqaano..)

    February 13, 2021Updated:February 14, 20214 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muran sharciyeed ayaa ka dhashay Hindise Sharciyeed qabyo ah oo uu saxiixay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Qoraalka saxiixa Qaraarka magacaabidda 7 xubnood oo ka mida Golaha Adeegga Garsoorka oo shalay uun la faafiyey iyadoo madaxtooyada soo u dusisay baraha bulshada, ayaa waxaa ku qoran in la saxiixay 30/12/2020, laakiin waxay siyaasyiin badan aamisan yihiin in dhowaan la saxiixay oo taariikhdana laga bedeley.

    Kadib markii la shaaciyey saxiixa Xeerka Madaxweyne ee magacaabidda 7-da xubnood ayaa Dood shaciyeed ka dhalatay arintan oo markeedii hore uu Madaxweyne Farmaajo boobsiiyey magacaabidooda lana hor geeyay xukuumadii xilgaarsiinta ee Mahdi Guuleed xilligaas oo sharci darro lagu tilmaamay. (AKhriso)

    Waxaa kaloo tallaabadan lagu tilmaamay in qaraarkan uu qabyo yahay iyadoo xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka ee la isku heyto ay kaliya ansixiyeen Golaha shacbaka, balse aan la geyn Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo ay tahay inay soo maraan sharciyada ka gudba golaha shacabka, waxaana arrintan ka digay sharci yaqaano iyo xildhibaanno iyo siyaasiyiin.

    HOOS KA AKHRISO QAAR KA MIDA FAL CELINTA ARRINTAN

    “Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ayaa saxiixay liiska xubnaha Golaha Addeegga Garsoorka. Taariikhda digreetada ayaa lagu qoray 30kii December 2020, si looga dhigo in la saxiixay intii uu muddo xileedkiisu shaqaynayey. Wuxuu damacsanyahay in uu si sharci darro ah ku dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah, oo ay qiil u raadiso si uu xukunka ku sii heysan karo. Farmaajo wuxuu galay labo danbi. Kan koowaad waa in uu si cad oo bareer ah u jebiyey qodobbo dastuuri ah sida; Qod. 71, 112 ee dastuurka ee dhigaya in Aqalka Sare la soo marsiiyo Golaha Adeegga Garsoorka inta uusan madaxweynaha digreeto ku soo saarin. Wuxuu saxiixay iyadoo aan Aqalka Sare la soo marsiinin. Danbiga kale, waa in uu been abuuray (Tazwiiray ama Foojar) gareeyey taariikhda saxiixa. Waxaa muuqata in uu waddo kasta u marayo si uu xukunka sifo sharci darro ah ugu sii joogo. Sida muuqata maalmahan waxaan arki doonaa warqado badan oo taariikho hore (backdating) ah lagu saxiixay.” – C/raxmaan C/shakuur Warsame


    “Farmaajo wuxuu xalay si sharci daro ah oo dhuumaalaysi ah u saxiixay Todoba (7) ka mid ah Sagaalka (9) xubnood ee Golaha Addeegga Garsoorka. Kuwaas oo aan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka. Ka sokow in xubnahaas markii horeba aysan soo buuxin shuruudaha xubinnimada ee ku cad Qod. 109A Dastuurka iyo Qod. 6aad ee Sharciga lagu asaasay Golaha Addeegga Garsoorka, haddana waxa sidoo kale la fogeeyay taariikhda xeerkan la saxiixay iyadoo laga dhigayo in muddo hore la saxiixay, maadaaba Farmaajo hada uusan lahayn sharciyad uu xeer ku saxiixi karo oo mudo xileedkiisu dhamaaday. Hadana xeerkani wuxuu ka soo horjeedaa qodobo badan oo Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla ah. Tusaale ahaan: 1. Xeerkan wuxuu ka soo horjeedaa Qod. 7aad ee Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka ee si cad u qeexaya Habraaca Magacaabista Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka. Qodobkan waxaa horay u soo jebiyay Xukuumadii xilgaarsiinta ee Mahdi Guuleed hoggaaminayay” -Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad-


    May be an image of 1 person and text that says 'JUDICTARY ON GBV Venue: muus Hali Da'

    Qodobada Dastuuriga ah ee uu jabinayo xeerkaan
    1. Xeerkaan wuxuu kasoo horjeedaa qodobka 71 aad gaar ahaan faqrada(i) ee Dastuurka kmg ee Soomaaliya 2012 oo qeexaya awoodda Aqalka sare ee ka qaybqaadashada magacaabista xubnaha hoos ku xusan ee Hay’adaha Dawladda.
    Sidaan ayuu qodobku uqoranyahay : Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah:
    (i) Ka-qayb-qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan: 1. Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka; 2. Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah; 3. Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka; 4. Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta; 5. Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka).
    2. Sidoo kale xeerkaan wuxuu ka hor imaanayaa qodobka 112 aad ee Dastuurka oo cadaynaya in loo gudbinayo magacyada Gudiyada heer federaal Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) si ay u ansixiyaan
    Sidaan ayuu qodobku uqoranyahay ( Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro). -W/Q: Avv. Cabdalla Qanuni

    Akhriso -WARAR LA XIRIIRA

    Madaxweyne Farmajo ma magacaabi karaa 5 xubin oo ka mida Golaha Adeegga Garsoorka? (Akhriso)

    Madasha Xisbiyada oo Digniin ku saabsan Golaha Adeegga Garsoorka u dirtay Madaxweyne Farmaajo
    Ururrada Bulshada oo ka hor yimid magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka & Hay’adda Batroolka
    C/raxmaan C/shakuur Farmaajo Golaha Adeegga Garsoorka Mahad Salaad Saxiixa Madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGaari ay la soceen Nabaddoono Caan ah oo lagu rasaaseeyay Muqdisho iyo Faahfaahinta Qasaaraha…
    Next Article Qarixii maanta oo sababay in Dhagxaan lagu xiro Isgoyska Dabka ee Muqdisho (Sawirro)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xasan Kheyre oo soo saaray dalab culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh

    May 27, 2025

    Guddiga Doorashooyinka Qaran oo doortay Guddoomiye iyo Xeer Madaxweyne oo lagu soo saaray

    December 2, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo