Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gaari ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya uu dilay Darawal Mooto Bajaaj.
Falkan ayaa ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana Gaari nooca loo yaqaan Cabdi Bilaha oo ay saarnaayeen ciidamada dowladda federaalka uu jiiray Bajaaj uu kaxeynayey Darawal qura.
Dad goobjoogayaal ayaa sheegayy inuu degdeg u dhintay Darawalkii Mooto Bajaajlaha ahaa, iyadoo Ciidamadii watay Gaarigii Cabdi Bilaha qaadeen meydka darawalka oo la aaday dhinaca Isbitaalka Madiina, inkastoo aan la ogeyn halka ay geeyeen.
Gaariga ay wateen ciidamada ayaa ku socday xowli aad u sareeya, waxayna dadweynaha sheegeen in Mootada oo uu ku jiro darawalka in muddo ah uu jiidayay Gaariga Caadi Bilaha ah.