Ciidamada ammaanka ayaa xiray agagaarka xarunta Jaamacadda Umadda ee degmada Xamarwweyne ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Gaari looga shakiyay inay saaran yihiin walyaabaha qarxa lagu arkay Iridka Galbeed ee Jaamacadda, waxaana laga kala cararay goobtaasi iyadoo loo yeeray ciidamada qaabilsan waxyaabaha qarxa.
Dadweynaha iyo Gaadiidka ayaa laga celiyay goobtaasi, waxaana muddo ay u xirneyd baaritaanka, waxaana la ogaaday baaritaan kadib in gaariga aanay waxba saarneyn.
Ciidamada ammaanka ayaa dib u fasaxay waddooyinka u dhow Jaamacadda kadib markii Gaariga oo ahaa nooca Spacio la xaqiijiyay inuu ammaan yahay.
Wadani