Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay looguna talogalay in lagu qarxiyo hotelka Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho ayaa caawa fashilmay kadib markii ciidamada ammaanka ee ilaalada hotelka ay rasaas ugu jawaabeen Bam gacmeed lagu soo tuuray kadibna ay gaari ay wateen uu qarxay. Hotelka Maka Almukarama oo ah goob ay siyaasiyiin iyo dad kala duwan oo waxgarad iyo mas’uuliyiin isugu jira caadiyaan isugu tagaan isla markaana qaraxyo hore lala beegsaday ayaa ka badbaaday qaraxa caawa inkastoo waxyeelo burbur miraayado ahi ay soo gaareen.
[ad name=”HTML-3″]
Wadaha gaariga miineysan oo la dhigay wado jid cadde ah oo dhinaca danbe ka martra Hotelka Maka Almukarama ayaa ka baxsaday, waxaana la is weydaarsady rasaas in muddo ah socotay, Waxay wararku sheegayaan ninkii gaariga waday laba nin oo kale oo raacda reeb ahaa ay is fara saareen ciidamada ammaanka oo kadib la qabtay dhammaantood sida uu sheegay afhayeenka ciidamada ammaanka Qaasim Cabdi Rooble.
Afhayeenka hay’adaha Ammaanka Qaasim Axmed Roobe ayaa sheegay in gaari waxybaaha qarxa laga soo buuxiyay lagu fashiliyay dhabarka dambe ee Hotelka Maka Almukarama, wax qasaase ahna aanu geysan marka laga reebo waxyaabo yaryar oo ay ka mid yihiin saddex ciidamada ka mida oo waxyaabo yar ay gaareen howshoodana wata. Wuxuu intaas ku daray in gaariga la daba socday oo laga war hayay, qofkii watayna markii ogaaday in la hareereeyay uu ka degay oo uu qarxiyay. Faahfaahinta gaariga qarxay ee la fashiliyay ayuu sheegay afhayeenka in beri ay soo bandhigi doonaan.
Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgallo ay sameynayaan ciidamada dowladda, laguna dhawaaqay in ciidamo hor leh la geynayo wadooyinka magaalada. Waana markii ugu horeysay oo nin loogu talogalay inuu is miidaamin fuliyo iyo kuwo kale oo la socday gacanta lagu dhigo.
Wadani.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]