Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay Laami-yaraha Isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada lagu dhejiyo Gawaarida ayaa qabsaday Gaari uu leeyahay xldhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabo Cali Cartan Bidaar, waxaana qasaare ka soo gaartay dadkii la socday Gaariga xilliga uu qarxay.
Darawalka gaariga ayaa la sheegay inuu qarax ku dhintay, iyadoo ay ku dhaacmeen dhaawacmeen saddex qof oo goobta ka dhowaa, laba ka mid ahna la sheegay inay la socdeen Mooto Bajaaj, halka uu dhaawac kasoo gaaray qof la socday gaariga.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA



