Waxaa maanta la geeyay magaalada Muqdisho gabar yar oo 9 sano jir ah, taasoo la sheegay in tacadi loogu geystay degaan Raage Ceelle ee Gobolka Sh/Dhexe, xaaladeeda caafimaad ay xun tahay.
Ehelka gabadha yar ayaa warbaahinta u sheegay in askari ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo ku sugan degaanka Raage ceelle uu tacadi u geystay gabadha markii uu guri ku xirtay, waxaana la dhigay mid ka mida isbitaallada Muqdisho oo xaaladeeda lagula tacaalayo.
Sida waalidka gabadha yar ay sheegeen askariga falkan lagu tuhunsan yahay ayaa falkan ku geystay Guri ka soo horjeeda xarunta degaanka Raage ceelle, isagoo kadibna baxsaday, waxaana socda baaritaan lagu hayo.
Xaaladda gadhaba ayaa ah mid culus, wuxuuna kiiskan ka mid yahay falal ku soo badanaya Soomaalida dhexdeeda oo gabdhaha caruurta ah lagu kufsanayo.