Wararka laga halayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in gabar ka mida ahayd hablo Soomaaliyeed oo la afduubtay nolol lagu helay.
Xafsa Maxamed Luqmaan oo 23 sano jir ahayd ayaa laga qafaashay xaafadda Kamukunji ee magaalada Nairobi, waxayna maanta Booliska ka heleen meel cidlo ah, iyadoo ku xirneyd guri ku yaal deegaanka Matopeni, Kayole.
Booliska oo ku raad joogay afduubayaasha gabadhan ayaa sheegay in ay kaligeed ku jirtay Guri lagu xiray oo looga tegay. Xafsa waxaa la geeyay saldhigga Booliska si looga qoro xaaladeeda iyo sida afduubkeeda u dhacay, iyadoo uu socdo baaritaanka, waxaana kadib loo qaaday isbitaal.
Xafsa waxaa la afduubtay Talaadadii 15-ka June, iyadoo markii ugu danbeysay lagu arkay dukaan kabaha lagu iibiyo oo ki yaalla degaanka Kamukunji. Ragga afduubayaasheeda ayaa dalbaday lacag dhan 5 million oo shillinka Kenya ah madax furasho ahaan.
Nin ku eedeysa afduubka iyo jirdilka Xafsa ayaa la sheegay inay qabtee Booliska, iyadoo ay socoto baarista kiiskan oo cabsi weyn ku abuuray Soomaalida magaalada Nairobi.
Booliska ayaa raadinaya dadkii kale ee ku lugta lahaa afduubka Xafsa, waxayna raadka ka heleen ninka la qabtay, iyadoo dadka laga codsaday inay Booliska ku wargeliyaan wixii akhbaar ah oo ay hayaan.
Waalidka Gabadha lasoo badbaadiyey ayaa sheegay inay muddo 5 maalin ah ku jirtay meel lagu xiray oo aan helin wax ay cunto, jirkeedana uu is cunay, haddana lagu dabiibayo isbitaal oo faleebooyin lagu xiray.

