Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu ciidamo cusub u diray degaanada Bariga Mudug ee dhowaan diyaarad Mareykan ah duqeysay.
Ciidamada halkaasi loo diray ayaa wata gaadiidka dagaalka, waxaana aya labadii maalmood ee ugu danbeeay gareen degaanka Jeexdin, ee Bariga Gobolka Mudug.
Dhinaca kale taliyaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayay wararku sheegayaan inuu tegay bariga Mudug, iyadoo aan la ogeyn qorshaha Galmudug.
Degaanka Jeexdin iyo degaanada la xiriira ayaa hore waxaa ugu dagaalamay reer miyi ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana duqeyntii Mareykanka oo lagu eedeeyay Puntland ay sii kordhisay xiisadii labada dhinac.
Magaalada Gaalkacyo ayaa laga soo weriyay inay ka socdaa bannaanbaxyo iyo kulamo looga soo horjeedo duqeyntii Mareykanka.
Wadani.com