Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay weerarkii Bariire ee dadka lagu laayay, waxayna dalab culus u dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa sheegay in Galmudug aad uga xun tahay weerarkii Bariire ee ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida dadka shacabka ah ku laayeen degaanka Bariire.
Wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in si degdeg ah wax uga qabato dhacdadaasi, wuxuuna wasiirku codsaday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo.
Wasiir Taardhuleed ayaa caddeeyay in dowladda Mareykanka wali aysan magdhow ka bixin ciidamada Galmudug ee lagu laayay degaanka Jeexdin duleedka magaalada Gaalkacyo.