Galmudug ayaa shaacisay inay burburtay waanwaantii dowladda Federaalka ka dhex waday maamulka Galmudug iyo Ahlu suna.Shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen qaar ka mida Guddiga Galmudug ayay ku caddeeyeen inay gebi ahaanba socon waayeen waanwaantii, laguna guul darreystay in wadahadallada labada dhinac ka furo.
Guddoomiyaha Guddiga wadahadalka Galmudug oo ah Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Cusmaan Maxamed Cali ayaa shaaciyay in dhinaca kale ee Ahlusuna ay wax waliba ka socon waayeen.
Arrintan ayaa ka dhigan in dadaalkii ugu danbeeyay ee ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu socon waayay, iyadoo kooxda Ahku suna lagu eedeeyay inay shuruudo aan macquul ahayn ay la timid.
Wadani.com
AKHRISO SHAN QODOB: Ahlu-suna oo shuruudihii ugu yaabka badnaa ku xirtay wadahadalka Galmudug