Guddiga Doorashada heer Dowlad Goboleed Galmudug ayaa shaaciyay qabashada Doorashada 8 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka ee Baarlamaanka Dederaalka ee laga soo doorto Galmudug.
Kuraastaan waxaa ka mida kuwa ugu adag ee ay hore ugu fadhiyeen xubno can ah, ayna tartan ugu jiraan musharixiin kala taageersan usharixiinta iska horjeeda ee Madaxweynaha Soomaaliuya.
Liiska kuraasta la shaaciyey ee doorashadooda lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb 13 iyo 14-ka bishan Febraayo 2022, ayaa ka mida:
HOP138 oo ku fadhiyey Siciid Nuur Griish, iyadoo mar la sheegay in la siiyey Musharax C/raxmaan C/shakur, kadibna ay isu sharxeen musharixiin kala duwan oo caan ah.
HOP147: Waxaa hore ugu fadhiyey xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, waxaana kula tartamaya siyaasiyiin culus, inkastoo la sheegay in kursigan dadaal loogu jiro in si furan loogu tartamo.
HOP137 oo uu hore ugu fadhiyey Xildhibaan Saadaq C/kariin oo ahaa agaasime ku xigeenkii Madaxtooyada ee Dowladii Xasan Sheekh.
HOP081: waxaa hore ugu fadhiday xildhibaan Maryan Cariif Qaasim
HOP048: oo uu hore ugu fadhiyey xildhibaan C//llaahi Gaafow Maxamed.
