Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegay in koox hubeysan ay halkaasi ku dileen Ganacsade caan ah. .
Dabley bistoolad ku hubeysan ayaa magaalada Boosaaso ku dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdiqadir Maxamed Saleebaan, iyadoo uu weerarka dhaawac kasoo gaaray ganacsadaha aabihiis Maxamed Saleebaan oo xilliga weerarka dhacay la socday.

Waxaa baxsaday kooxda dilka geysatay, iyadoo markii danbe ay Ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso halkaasi gaareen oo a baaritaan xoog leh ka sameeyaan.
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa maalmihii dambe ka dhacayay,dilal qorsheysan oo loo geysto dadka rayidka ah iyo Askarta ka tirsan Maamulka Puntland.