Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Dhagax dhigay Xaafad Cusub oo laga dhisayo Magaalada Kismaayo.
Xaafadan oo ah mid casri ah ayaa dhismaheedu noqonayaa kii ugu horeeyay ee laga hirgeliyo Koofurta Soomaaliya. waxaana loogu magac daray Bilan ESTATE, iyadoo ay maalgashaayaan ganacsato uu kamid yahay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo xaafada cusub ka hirgelin doona magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay qurba joogta in ay maalgashadaan dalkooda si dalku uu dib u kabasho dhinaca dhismaha ah u sameeyo.
SAWIRRO