Garsoorayaashii Maxkamadda Sare dhowaan loo magacabay ayaa maanta lagu dhaariyey Muqdisho, iyado 5-ta bishaan uu magacaabay Madaxweynaha, waxaana dhaarta goobjoog ka ahaayeen guddoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirka Cadaaaladda ,taliyaha Ciidanka Asluubta iyo guddoomiyeyaasha Maxkamadaha dalka.
Salaax Sheekh Ibraahin oo ka mid ahaa Garsoorayaashi maanta la dhaariyay ayaa ka codsaday in bahda garsoorka si dhow ula shaqeeyaan, islamarkaana uu balan qaaday in ay si cadaalad ah Ummada ugu shaqeynayaan.
Dr Jamaal Maxamed Axmed ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ahna ku simaha xeer ilaaliyaha ayaa ku booriyay Garsoorayaasha in looga baahanyahay in ay dhowraan nimaadka iyagoo cadaaladda garab taagan.
Wasiirka Cadaalada Xukumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa xusay in la qorsheynayo sidii loo dhisi lahaa Golaha Adeega Garsoorka Dalka. “Waa Muhiim in la dhiso Golaha Adeegga Garsoorka oo qeyb weyn ka ah Hay”adaha Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka”ayuu yiri Wasiirka.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashi Yuusuf Axmed ayaa ku dar daarmay in s bulshadu ay ugu kalsoonaadaan Hay”adaha Garsoorka dalka loo baahanyahay in la muujiyo fur furnaan iyo Daacadnimo.