Garyaqaanka Guud ee Dowladda Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa sheegay inuu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ku xadgudbay sharciga, kuna dhaqmayo awoodo ka baxsay kuwii sharciga loo siiyay.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in Ra’iisal Wasaare Kheyre faraha la galay maamulka Miisaaniyadda, taasoo ka baxsay awoodihiisa. Wuxuu kaloo ku eedeeyay xil ka qaadis iyo ku xadgudub mas’uuliyiinta dowladda oo keentay in mas’uul waliba baqdin gasho.
Garyaqaanka Guud ayaa qoraal dheer oo uu soo saaray talo ugu soo jeediyay Ra’iisal wasaaraha isagoo ugu sharxay shaqooyinka aanu faraha la geli karin iyo kuwa sharci ahaan lala wadaago ee aanu keligiis maamulan karin.
Garyqaanka Guud Cismaan Cilmi ayaa ugu baaqay Baarlamaanka inay hubiyaan ku dhaqanka sharciga ee hay’adaha dowladda.
AKHRISO QORAALKA