Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay amarro cusub oo ku saabsan ammaanka Muqdisho oo maalintii saddexaad bandow dhinaca gaadiidka ah ku jirta.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Nabadsugidda oo uu ku saxiixnaa Taliyaha NISA Gen. C/llaahi Gaafow Maxamed ayaa digniin looga digay in ciidamo kala duwan oo gaar loo leeyahay wadooyinka Muqdisho lagu arko, waxaana wareegtada lagu sheegay in ciidamo aan ka tirsaneyn Hay’adaha Amniga dowladda aan lagu arki karin Muqdisho.
Amarradan ayaa si toos ah ugu wajahnaa ciidamada ay leeyihiin hay’adaha ammaanka gaarka loo leeyahay ee Muqdisho oo si weyn u maraan wadooyinka Muqdisho iyagoo qandaraaska heysta hay’ado caalami ah iyo UN-ka..
Waxaa ciidamada gaarka loo leeyahay oo aan ahayn kuwa dowladda inaan lagu arki karin wadooyinkaa magaalada.
AKHRISO WAREEGTADA
Wadani.com