Waxaa si lama filaan ah madaxweynaha Soomaaliya sanad gudihiis ah xilal waaweyn ugu magacaabay Odowaa Yuusuf Raage oo ka tirsana saraakiisha da’da yar ee ciidamada Qalabka sida, waxaana magacaabidii ugu danbeysay ay ahayd 22-ka bishan oo loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka.
Waxaa Taliyaha ciidamada Lugta loo magacaabay 16 Ogost 2019, kadib wareegtadii kasoo baxday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo isbedel weyn lagu sameeyay taliyeyaasha ciidamada Qalabka Sida oo dhan, sanad kadibna wuxuu mar kale kusoo baxay magacaabid kale. Taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga dalka ka sokow inuu yahay nin aad u dhalinyar, haddana wuxuu muddo kooban ku noqday xiddig ka dhex muuqda ciidamada xoogga dalka, waxaana ugu danbeyn 32 sano jirka Odowaa Yuusuf xilka ugu sareeya ciidamada xoogga dalka.
HOOS KA AKHRISO TAARIIKHDIISA

Odowaa Yuusuf Raage waxa uu ku dhashay Degmada Aadan- yabaaal ee Gobolka Shebeelaha Dhexe Sanadkii 1987-kii wax-barashada Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay isla Degmada Aadan yabaal halka tan Dugsiga Sare uu ku qaatay Magaalada Muqdisho Sanadihii 2002-dii ilaa 2005-tii.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed waxa uu ku biiray 15-7- 2007-dii isla xiligaasi waxaa tababar ciidan loogu qaaday dalka Uganda oo muddo 1 sano ah, waxa uu ku bartay shuruucda ciidanka xooga dalka soomaliyeed iyo ilaalinta madaxda dalka (VIP protection course) markii tababarka u soo idlaaday isaga iyo dhalinyaro kale waxaa loo xilsaaray in ay tababaraan ciidan cusub oo dalka uganda loogeyey tabar waxuuna xiligaas qaadaney casharo kale oo dheeraad ah.
Sanadkii 2009kii waxaa loo qaaday tababar layli sarkaal oo dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Suudaan, Sanadkii 2010-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah waxaa loo furay siminaar 45 cesho ah kaa soo uu ku qaatay dugsiga haama-dhowr ee magaalada muqdisho.
Isla xiligaas saraakiil uu kamid yahay waxaa loo magcaabay taliyayaal, waxa uu noqday taliyaha horin 2 aad, ee ciidanka ilaala madaxtooyada muddo ka dibna waxa uu noqday Abaandule urur inta uu ka tirsanaa guutada 2aad.

Sanadihii 2010-2011-2012 waxa uu ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka soomaliyeed ee ka qeyb qaatay xoreynta Gobolka Banaadir iyo Gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose, waxa uuna ku muteystay in la guddoonsiiyo abaal marino.
Sanadkii 2013-kii waxaa tababar ciidan loogu diray Dalka Turkiga muddo hal sano ah kaasoo uu ku qaatay taqaquska ciidanka lugta iyo luqadaha markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxa loo dalacsiiyay Darajada Dhamme muddo ka dibna waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaanle oo uu ku helay abaalmarin ku saabsan howlaha ciidanka.
Sanadkii 2014-kii waxa uu waxbarasho u aaday Dalka Turkiga gaar ahaan Kulliyada Dagaalka (Turkish amry war collage) waxa uu dalka dib ugu soo laabtay Sanadkii 2016-kii waxaana loo magcaabay Taliyaha Horinta 1-aad ee Ururka 60-aad ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada.
Sanadkii 2018 waxaa loo magcaabay Taliyaha Ururka 60-aad ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya waxaana loo dalacsiiyay darajada Gaashaale Dhexe.

16-08-2018 waxaa loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed waxaana loo dalacsiiyay Darajada Sareeya Guuto.
22-08-2019 waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Milateriga ee Somalia.
Waa taliyihii ugu da’da yaraa ee qabta xilka ugu sareeya ciidamada Milateriga Soomaaliya, waa 32 sano jir, 3 jir ahaa markii ay dhacday dowaldii Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna muddo 3 sano gudahood ah ku noqday, Taliye horin ilaa Taliyaha ciidamada Milateriga Somalia ugu sareeya, waxayna dad badan dood ka keeneen khibradda iyo da’diisa iyo xilka loo magacaabay oo ka qaro weyn.