Madaxa jabhadda Hiiraan ee ka horjeeda maamulka Hirshabeelle Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) ayaa kashifay qorshe siyaasadeed oou taliyaha ciidamada Dhulka Jeneral Maxamed Tahliil Biixi u tegay magaalada Beledweyne.
Jeneral Xuud ayaa sheegay inuu maanta aadi doono magaalada Muqdisho oo ay is raaci doonaan Jeneraal Biixi, isla markaana uu la kulmi doono madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Jeneraal Xuud ayaa si cad u sheegaya in Taliyaha ciidamada Dhulka uu wakiil buuxa ka yahay Farmaajo, ayna ka aqbaleen waanwaanta uu waday oo sida uu sheegay ka duwan tallooyinkii siyaasiyiinta Beesha Xawaadle ee ahayd inuu Cali Guudlaawe tago magaalada Beledweyne.
“70% arinta Hiiraan waa xalismeysaa haddii aan la kulmo Farmaajo… Xaqeena naga maqnaa ayaan meel saareynaa..” ayuu yiri Jeneraal Xuud oo wareysi siiyay Shabelle TV, wuxuuna caddeeyay inuusan dhaqaale doon ahayn.
Taliyaha ciidamada Dhulka ayaa ku lug yeeshay arrimo siyasadeed xilli doorasho oo taliyeyaasha ciidamada dowladda ay soo saareen amarro ay saraakiisha iyo ciidamada ku farayaan inaysan ku dhex milmin siyaasadda.
Qorshaha ka danbeeya Heshiiska Farmaajo iyo General Xuud halkan ka Akhriso
