Gobolka Nugaal ee maamulka Puntland ayaa guddoomiye u sameeyay ganacsatada kasoo jeeda degaanada K/Galbeed Somalia ee ku gobolkaasi ku nool.
Qoraal kasoo baxay Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad Diiriye Faarax ayaa markii ugu horeysay guddoomiye u magacaabay ganacsatada heyb ahaan kasoo jeeda Degaanada Koonfur Galbeed ee ku nool Gobolkaasi, waxaana xilkaasi loo magacaabay C/raxmaan Mukhtaar Maxamed, kasoo noqonaya guddoomiyaha Amniga iyo ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal.
Qoraalka ayaa lagu faray Ganacsatada iyo dhammaan bulshada reer Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay dadkaasi.
Dadka kasoo jeeda Maamulka K/Galbeed ee ku nool gobollada kale ayaa si gaara isha loogu hayaa iyadoo lagu xaglinayo inay u badan yihiin dadka loo adeegsado qaraxyada ee Alshabaab u badan.

PUNTLAND POST