Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Golaha Abwaannada oo si kulul uga horyimid Dhul ka mida Tiyaatartka Qaranka oo uu kireeyay Wasiir Dubbe

    Golaha Abwaannada oo si kulul uga horyimid Dhul ka mida Tiyaatartka Qaranka oo uu kireeyay Wasiir Dubbe

    August 30, 2021Updated:August 30, 20212 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Abwaannada iyo Hobollada Waaberi ayaa si kulul uga hor yimid tallaabo uu qaaday Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Xilgaarsinta Cismaan Abuukar Dubbe oo kireeyay dhisme ka mida Tiyaatarka Qaranka.

    Shir jaraa’id oo ay wadajr u qabteen abwaanada iyo hobollada Qaranka ayey ku caddeeyeen inaan la kireyn karin, lana iibin karin hantida Qaranka, iyagoo dalbaday in tallaabo laga qaado Wasiir Dubbe oo ku eedeeyay inuu olole doorasho ku galayo hantida dowladda.

    Agaasimihii hore ee Tiyaatarkii Qaranka Cismaan C/llaahi Guure oo farriin toos ah ugu diray Farmaajo ayaa yiri: “Hadaad been ku timid shalay Buro fool ku taaliyo Bar madow inaa tahay Maanta wan ku baranoo Bari nama dageeyside Fahad boqor ha kaa dhigo”

    Agaasime ku xigeenka Tiyaatarka Abwaan C/kariin Faarax Qaarey ayaa sheegay inuu ka xun yahay isagoo ogeyn in la iibiyo Tiyaatarkii Soomaaliyeed ee umadda lahayd. “Hadii wax la dhacyo waa dhacdaa, laakiin Tiyaatar lama dhici karo.” ayuu yiri Abwaanka.

    “Tiyaatarka wax jeeb lagu qaato waa ka weyn yahay…. Wasiir Dubow ilaa 1960-kii ilaa maanta waxaan kuu diiwaan gelinaa kii ugu xumaa, ugu siyaasadda xumaa, ugu kartida liitay ugu jilicsanaa ugu ducfisanaa..” ayuu yiri abwaan si toos ah u garbaashay Wasiir Cismaan Dubbe.

    Abwaan Maki Xaaji Banaadr ayaa iska yiri: “Meeshaan ayey noogu yimaadeen iyagoo lebisan, jaakeysan barafuumeysan oo kaseynin Golaha Murtida, marka ay baxayaan kama yeeleyno inay noqdaaa daad wixii yaallay hore u qaata..”

    “Dube iyo Shube haddii aan 24 saacadood la xirin oo la jeebeynin, dowladaa waan kasoo horjeesanaynaa, waanan ku bannaan baxeynaa..” ayey tiri Xalwo Maxamed Naxar oo ka mida Hobollada Waaberi.

    Arrrintan ayaa ka danbeysay markii uu soo baxday Qoraal uu wasiirka Warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe uu kireyn ku bixiyey si maqaayad looga dhigo dhul ka mida Tiyaatarka oo ku yaalla qeybta danbe.

    Golaha Murtida Tiyaatarka Waaberi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/samad Ibraahim: Sawir-Qaadihii Daacish-ta Soomaaliya oo Xukun Xabsi ah lagu riday
    Next Article Daalibaan oo isu diyaarisay inay Mareykanka kala wareegto Garoonka Kaabul iyo Weerar Gantaalo ah oo…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo