Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sii kordhiyay cunaqabateyntii hubka ee Soomaaliya iyo Eretria, iyadoo sii socon doonta kadib markii lagu soo rogay sanadkii 2009-kii.
Kulan ay Golaha ammaanka ka yeesheen arrintan ayaa lagu sheegay in qatarta Al-shabaab ay tahay mid taagan Al-shabaabna ay dhibaato ku tahay nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya iyo weli gobolka.
Goluha Ammaanka ayaa cunaqabateynta ka reebay hubka fudud ee Soomaaliya ay hesho iyo weliba tababarada la siiyo ciidamada dowlada federaalka ee Soomaaliya si ay u sugaan ammaanka. Waxayna cunaqabateyna socon doontaa ilaa bisha November 2016.
Golaha ammaanku waxay welwel ka muujiyeen caqabadaha ku horgudban sidii gargaarka bini’aadannimo uu u gaari lahaa Soomaaliya goluhu wuxuu si adag u cambaareeyey cid kasta ee hortaagan gargaarka bini’aadanimo.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay kaloo ka hadleen xanibaada saaran dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaaliyaiyagoo soo dhaweeyay dadaalka lagu doonayo in looga hortago keenista iyo dhoofinta dhuxusha oo ah Il ay dhaqaale ku heli karaan Al-shabaab.
Wadani.com