Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Golaha Amniga Q/Midoobay oo 6 Bilood ugu daray ciidamada ATMIS iyo 5000 oo sanadkan..

    Golaha Amniga Q/Midoobay oo 6 Bilood ugu daray ciidamada ATMIS iyo 5000 oo sanadkan..

    June 28, 20232 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 27-kii bishan June 2023 muddo 6 Bilood ah ugu daray joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, wuxuuna ansixiyey qorshaha si qaabeysan dalka looga saarayo ciidamada Midowga Afrika.

    Wuxuu Golaha Amniga hore u ansixiyay, iskuna raacay in Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya laga saaro 5000 oo ka mida ilaa bisha September 2023, iyadoo aakhirka June lagas aaryo 2000 askari.

    Si waafaqsan qaraaradii hore ee Golaha Ammaanka, ATMIS ayaa billowday inay 2,000 oo askari ka saaraan Soomaaliya dhowr maalmood kahor, hanaankaas oo lasoo geba-gebeyn doono dhammaadka June.

    Bixitaanka “wuxuu ku dhow yahay geba-gebo” waxaa sidaas Talaadadii yiri safiir ku-xigeenka Soomaaliya ee QM Mohamed Rabi Yuusuf.

    Waxa uu intaas ku daray in dowladdiisa ay sameyn doonto “diyaar-garowga lagama maarmaanka u ah ayada oo kaashaneysa Midowga Afrika wejiga labaad ee bixitaanka 3,000 oo askari oo ATMIS ah oo dalka laga saarayo dhammaadka September.”

    Qaraarka ay ATMIS kusii joogayaan Soomaaliya illaa dhammaadka 2023 ayaa waxaa si aqlabiyad ah loo ansixiyey Talaadadii, waxaana uu tirada askarta howlgalka ka dhigayaa 14,626 laga billaabo 1-da October illaa 31-ka December.

    Golaha Ammaanka ayaa sheegay “inuu diyaar u yahay inuu dib u eego tiradan” kadib marka qiimeyn farsamo ay soo gudbiyaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika kahor 15-ka September, si gaar ahna u qiimeyn doono wejiga koowaad ee qorshaha yareynta, kadibna bixin doono “qorshe cad iyo jadwal” oo la xiriira inta harsan.

    Safiir ku xigeenka Soomaaliya ee UN-ka ayaa sheegay inaan loo baahneyn in la degdego, iyadoo howlgalka nabad-ilaalinta Afrika laga saaro Soomaaliya si tartiib ah, wuxuuna mar kale codsaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka.

    “Cunaqabateynta qeybta ah ee hubka ee Qaramada Midoobay saartay Soomaaliya waxay caqabad ku tahay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay awood u yeelato inay si ku filan u hesho ciidamadeeda ammaanka si ay uga hortagto khatarta isa soo tareysa ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Mohamed Rabi Yuusuf.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo soo bandhigtay Boqolaal Is-miidaamiyeyaal ah oo tababar loo soo xiray
    Next Article Dalalka Islaamka oo Sweden ku eedeeyay Falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka iyo safiir loo yeertay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo