Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shir ay ku yeesheen Aaladda ZOOm-ka uga hadlay xaaladda Doorashada iyo waqtigii loo qabtay oo ku eg maanta 25-ka Febnrayo 2022.
Shirka oo ay ka qeyb galeen Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa mar kale muddo cusub loogu qabtay xilliga Doorashadalagu soo dhameynayo.
Qodobadda kasoo baxay shirka Golaha Wadarashiga ayaa waxaa ka mida:
1- In doorashad kuraasta harsan lagu soo gabagabeeyo ugu danbeyn 15-ka Maarso 2022.
2- In Ra’iisal wasaaraha oo ka tashanaya Madaxweynaha Jubbaland uu Guddi u diro magaalada Garbahaarey, si ay uga soo talo bixiyaan habka doorashada ku qabsoomi karto.
Guddiga loo dirayo Magaalada Garbahaarey ayaa ka kooban xubno ka socda Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Guddiyada Doorashada ee kala duwan.
Waxaa kaloo kulanka looga hadlay arrimaha Qoondada haweenka, Abaaraha iyo xaaladda Amniga.
