Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed oo maanta shir aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Baydhaba aya soo saaray qoddobo ku saabsan xalaadda maamulkaasi iyo Doorashada madaxweynaha ee ka dhaceysa magaalada Baydhaba.
Shirka oo uu guddoominayey sii-hayaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna aya warbixin looga dhageysatay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelay oo dhowaan Muqdisho tegay.
Dood dheer kadib Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed waxay waxa ay isku raaceen saddex qodob oo kala ah:-
1) Waxay si guud u soo dhoweeyeen dadaalka ay wado Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
2) Waxaa amaan iyo bogaadin ay u jeediyeen Guddiga doorashada Madaxweynaha KGS sida ay Shaqada u wadaan.
3) Shacabka ayay ugu baaqeen in ay muujiyaan degnaansho, kuna kalsoonaadaan madaxdooda, iskana ilaaliyaan wax walba oo dhib ku keen karo xasanoolida Koonfur Galbeed Soomaaliya.