Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Golaha Wasiirada oo magacabay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo la magacaabay [Akhriso taariikhiisa]

    Golaha Wasiirada oo magacabay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo la magacaabay [Akhriso taariikhiisa]

    February 19, 2018Updated:February 19, 20183 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo loo magacaabay Mudane Cabdi Sheekh Axmed oo ah khabiir dhinaca isgaarsiinta iyo teknoolojiyada ah.

    Tallaabadan ayaa aasaas u ah dhismaha Guddiga Sare ee Hay’adda Isgaarsiinta oo lagu hawlanaa tan iyo markii uu madaxweynaha dalka uu saxiixay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka 2dii Oktoobar 2017, isla markaana ay ku soo baxday faafinta rasmiga ah 20-kii bishii Nofeembar eeisla sanadkaas.

    Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo soo dhoweeyay ansixintan ayaa uga mahad celiyay Golaha Wasiirrada ansixinta Maareeyaha Hay’addani oo noqoneysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu dalku yeesho.

    “Farxad ayay noo tahay inaan dhismaha hay’addan ku soo gabagabeyno 90-kii cisho ee uu sharciga na siinayay oo ka billaabaneysay saxiixa madaxweynaha iyo faafinta rasmiga. Waxa ugu muhiimsan ee uu sharcigu dhigayay waxay ahayd dhismaha Hay’addan oo qaban doonta dhammaan hawlaha la xiriira nidaaminta isgaarsiinta dalka,” ayuu yiri wasiir Cashuur.

    “Ballan baan ku qaadnay in ansixinta sharciga aysan noo ahayn hadaf haddii aysan la socon fulintiisa. Maantana waa tallaabo kale oo taariikhi ah oo loo qaaday hirgelinta sharcigan oo muhiim u ah dalka,” ayuu yiri wasiirku.

    Taariikhda Maareeyaha Cusub

    Mudane Cabdi Sheekh waa khabiir aqoon iyo waayo-aragnimo dheer u leh arrimaha la xiriira isgaarsiinta, teknoolojiyada iyo maamulka. Wuxuu muddo ka badan 23 sano la shaqeynayay mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ugu waaweyn dalka Mareykanka oo la yiraahdo Verizon Communications, halkaasoo oo uu ka soo qabtay xilalka kala duwan oo heer maamul sare ah.

    Laga soo billaabo Nofeember 2012-kii – kolkaasoo uu dalka ku soo laabtay – wuxuu la-taliye sare ka ahaa Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha, isagoo la soo shaqeeyay ra’iisul wasaareyaal kala duwan.

    Intuu uu xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka shaqeynayay laga soo billaabo 2013-kii wuxuu dareemay baahida loo qabo in la aasaaso waax qaabilsan dhisidda awoodda hay’adaha dawladda (capacity development), taas oo uu Ra’iisul wasaare Saacid ku magacaabay wareegto.

    Si arrintaas loo fuliyo wuxuu kala shaqeeyay Bankiga Adduunka iyo UNDP sidii loo sameyn lahaa mashruuc ballaaran oo lagu horumarinayo awoodda hay’adaha dawladda (Capacity Injection Program), kaas oo haatan hirgalay, ayna ku kacayso $53 milyan oo doolar.

    Laga soo billaabo bishii Abriil 2017, wuxuu ka shaqeynayay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, isagoo gacan weyn ka geystay ansixintii Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, dhismaha awoodda Wasaaradda iyo xiriirka ay Wasaaraddu la leedahay dalalka iyo hay’adaha horumarinta ka shaqeeya oo ay ka mid tahay Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), wuxuuna ka shaqeeyay in xiriirkii Wasaaradda ee heer caalami uu sare u kaco.

    Dhinaca aqoonta, Mudane Cabdi Sheekh wuxuu shahaadada koowaad ku qaatay cilmiga kumbutarka ee jaamacadda Houston, isagoo shahaadada heerka labaad ee Master of Science (specialization in Information Systems) iyo Maamulka Hawlaha (MBA) uu ka kala qaatay ee jaamacadaha Denver iyo North Carolina oo dhammaantood ku yaalla dalka Mareykanka.

    DHAMMAAD

    Cabdi Sheekh Axmed Isgaarsiinta Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaad ka taqaan Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Somalia ee NISA..? [Akhriso taariikhdiisa]
    Next Article Baarlamaanka K/Galbeed oo Waqti u qabtay Doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi [Shariif Xasan oo…]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo