Guddiga Arimaha Dibedda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
Kulanka ayaa warbixin guud looga dhageystay wasiirka, iyadoo wax laga weydiiyay Arrinta Balad Xaawo oo uu ka taagnaa Derbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso Xuduudka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu wasiirku hortago Aqalka Sare.
Wasiir Cawad ayaa u sheegay guddiga in la hakiyey dhismaha darbiga laga dhisayey Balad Xaawo, maadaama arrintaasi uu hakiyey madaxweynaha dalka oo ay wada hadleen dhiggiisa dalka Kenya, howlaha wasaaradduna ay u socdaan si wanaagsan.
Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda, Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka sare Sanatar C/risaaq Cismaan Jurule ayaa kulanka kadib sheegay in wasiirka uu si faah faahsan ugu sharaxay guddiga howlaha socda, islamarkaana ay ku qanceen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa isna dhankiisa sheegay in arrinta Balad Xaawo si gaar ah ay uga wada hadleen labada madaxweyne ee Kenya iyo Soomaaliya, islamarkaana iminka si wanaagsan ay wax u socdaan.
“Laba guddi oo degmada Balad Xaawo iyo Mandheere ah ayaa la magacaabay, waxey sii wadayaan sidii labada shacab ay ugu wada noolaan lahaayeen si wanaagsan” ayuu yiri wasiirka.