Shirka Guddiga Amniga Xukuumadda ayaa looga hadlay xaaladda amniga ee dalka gaar ahaan adkaynta amniga caasimadda oo rabshado ay ka dhaceen Sabtidii.
Shirka amniga oo ay ka qayb galeen guddiga loo xil saaray sugidda amniga caasimadda ayaa waxaa guddoomiyey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo ay ka qeyb galeen wasiiradii loo xil saaray.
Kulanka kadib waxaa saxaafadda la hadlay Guddoomiyaha Gobalka BanaadirCabdiraxmaan Cumar Yariisow oo shheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah, wuxuuna intaas ku daray in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay mudaaharaaydadii shalay dhacay iyo fal-dembiyeedyadii ka dhashay, Sharcigana la hor gayn doono.
Bajaajlaydu Muqdisho ayaa la sheegay inay Guddiga amnigu ay la kulmayaan guddi ka socda Bajaajlayda si loo dardar geliyo wadashaqaynta, iyadoo ay jiri doonaan kulamo joogta ah.
Guddiga amniga ayaa ka digay in la sameeyo mudaaharaadyo rabshado wata ayna mamnuuc tahay in magaca bajaajlayda ay isticmaalaan shaqsiyaad doonaya in amniga ay carqaladeeyaan, oo qalalaase geliyaan caasimadda dalka, sida uu yiri Guddoomiye Yariisow.