Guddiga aqalka Sare ee xalinta khilaafka mooshinka Gudoonka golaha shacabka Soomaaliya oo goor dhoweyd soo saaray Go’aano cusub oo ku sabasan xaaladda Mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Guddiga Aqalka Sare ayaa soo jeediyay in Mooshinka Gudoomiyaha Baarlamaanka waqtigiisa laga bilaabo 18/3/2017, ayna doodda iyo codeynta ku dhamaato 10 maalin shaqo oo ka soo bilaabanaysa 18/3/2014. Waxaan ku jirin jimcooyinka.
Wuxuu kaloo soo jeediyay in Codeynta Mooshinka ay noqoto sida Dastuurka iyo Xeer hoosaadku qabo (Qarsoodi) waxaana goobjoog ahaanaya xubnaha xalinta khilaafka aqalka sare, bulshada rayidka iyo beesha caalamka si cod bixin xor iyo xalaal ah u dhacdo.