Monday, May 12, 2025

Guddiga cusub ee Farsamada Shirka Cadaado oo xareynaya odayaal (Xaalad cusub)

Wararka laga helayo degmada Cadaado ee Gobolka G/gaduud ayaa sheegaya in Guddigii Farsamada ee dhowaan ay magacaabeen qaar ka mida saxiixayaasha Maamulka Gobolada Dhexe oo  uu hormuud u ahaa madaxweynaha Galmudug  Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ay soo xuleen odayaal dhaqan oo ay sheegee inay soo xuli doonaan ergada shirka maamul u sameynta ee shirka Cadaado.

cadaado1

Waxaa la soo bandhigay 45 oday oo howshaas qabaya iyagoo la sheegay inay xulayaan ergo gaareysa 400 ergo, kuwaas oo dooran doona  Madaxweynaha Maamulka Gobolada dhexe. Arrintan ayaa xaaladii ka jirtay Cadaado uga sii dareysa iyadoo guddigii farsamada ee dowladda dhistay uu weli shaqeynayo.

Ad

Guddoomiyaha Gudiga farsamada ee maanta odayaasha soo bandhigay C/qaadir Bahdoon ayaa sheegay  odayaasha kasoo hor muuqda saxaafadda  ee ay soo bandhigeen si degdeg ah loo xareynayo si ay u soo magacabaan una soo xulaan ergada shirka.

 

Is mari waagga shirka Cadaado ayaa weli socda iyadoo ergada shirka aan lagu guuleysan in weli la xareeyo. waxaana muuqata in khilaafka shirka ka taagan ka sii darayo, inkastoo dowladda federaalka ay heshiis hoose la gashay laba ka mida saxiixayaasha.

- Advertisement -

Goobjooge.com

 

[ad name=”HTML”]

 

- Advertisement -

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON