Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Guddiga Difaaca Puntland oo Go’aanadii ugu kulullaa kasoo saaray Colaadda kala dhaxeysa Somaliland

    Guddiga Difaaca Puntland oo Go’aanadii ugu kulullaa kasoo saaray Colaadda kala dhaxeysa Somaliland

    May 23, 2018Updated:May 23, 20183 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga difaaca Puntland oo maanta shir ku yeeshay magaalada Garowe ayaa soo saaray go’aanadii ugu kulullaa ee ku saabsan dagaalka kala dhaxeeya Maamulka Somaliland.

    Waxa go’aanada Guddigaan Difaaca Puntland akhriyey Guddoomiyaha Guddiga oo ah Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad) oo ay garab taagnaayeen xubnaha kale ee guddiga, waxayna sheegeen inay dhaqan galeen qodobadaasi.

    11 Qodob ayey shaaciyeen Wasiirada Puntand ee ka mida Guddiga oo saxaafadda la hadlay, waxaanna qodobadda dagaal ee ku jiray go’aanada ka mida ciddii lagu qabto gacan-siinta Somaliland in tallaabo adag laga qaadayo oo isugu jira dil iyo hantida lagala wareego.

    Go’aanada waxa ka mida in dil-toogasho ah lagu fulinayo qof kasta oo lagu helo isagoo sir u gudbinaya maamulka Somaliland ama jaajuusnimo ula shaqeeya  iyo in lala wareegayo dhammaan hantida uu leeyahay qofkii maamulka Somaliland ku gacan-siiya dagaalka kala dhexeeya Puntland.

    HOOS KA AKHRISO QODOBADDA

    1. Waxaa lagu wargelinayaa shacabka reer Puntland in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay xoreynta Gobolka Sool

    2. Aragti kasta oo ka soo horjeeda Puntland midnimadeeda, wadajirkeeda iyo xorreynteeda waa dambi qaran, cidii aamisana waxaa loo aqoonsanayaa u gargaare cadow, sidaa daraadeed waxaa lagu qaadayaa xeerka ciqaabta.

    3. Hub kasta oo ku sifoobey ama loo arko inuu lid ku yahay xoreynta dhulka maqan, wuxuu la mid noqonayaa hubka cadowga.

    4. Taliye ciidan iyo masuul kasta oo xil ka haya maamulka Hargeysa oo ka soo baxa mudada hawl galka wuxuu muteysanayaa abaal marin.

    5. Qof kasta oo ka soo jeeda deegaamada Puntland oo u shaqeeya maamulka Hargeysa, kana tanaasuli waaya hagardaamada iyo waxyeelada, shacabka reer Puntland wuxuu mudanayaa xeerka ciqaabta Puntland.

    6. Qof kasta oo cadoga Puntland qariya, ama gabbaad siiya isagoo ujeedadiisu tahay in lagu waxyeeleeyo shacabka iyo dowladda Puntland, qofkaas wuxuu la dembi yahay cadowga uu qariyey wuxuuna ku sifoobayaa cadow, waxaana lala tiigsanayaa sharciga.

    7. Qofkasta oo gacan siiya qof u shaqeeya maamulka Hargeysa oo ay ku cadaato khiyaamo, jaajuusnimo ama siin xog waa dil aan lahayn mag.

    8. Malaha mag ama godob, taliyaha, askeriga ama masuulka ka soo jeeda Puntland ee lagu dilo dagaalka isagoo u diriraya maamulka Hargeysa.

    9. Hanti kasta oo uu lee yahay qof reer Puntland ah oo loogu shaqeeynayo maamlka Hargeysa waxaa la wareegaya Dowladda Puntland.

    10. Maxkamadda ciidamadu waxay waajib keeda ka gudanaysaa cidkasta oo fal dambiyeed ka geysata goobta dagaalka sida, dhac, kufsi, amar diido, dil loo geysto dad rayid ah ama cid kale oo ka tirsan ciidamada iwm ah.

    11. Dowladda Puntland waxay caddeyneysaa in aysan cadow ku ahayn shacabka ku nool gobolada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya nabadgelyadooda iyo jiritaankooda, isla markaana waxay soo dhaweyneysaa cidkasta oo dooneysa xoojinta wadajirka umadda Soomaaliyeed iyo xasiloonideeda.

    Xiisada colaadeed ee Puntland iyo Somaliland ayaa sii kordheysa kadib dagaal qaraar oo dhowaan labada dhinac ku dhex maray degaanka Tukaraq, waxaana Puntland ay ugu baaqday inay abaalmarin siineyso dadka kasoo jeeda Puntland ee xilalka ka haya Somaliland haddii ay isaga baxaan.

    Dagaal Puntland Somaliland Tukaraq
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHormuud Foundation oo Deeq Lacageed u qeybisay 500 oo Naafada Gobolka Banaadir [Sawirro]
    Next Article DEGDEG: Ciidamada Amniga oo laba Dhalinyaro oo Bistooladley ah ku toogtay Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo