Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Hormuud Foundation oo Deeq Lacageed u qeybisay 500 oo Naafada Gobolka Banaadir [Sawirro]

    Hormuud Foundation oo Deeq Lacageed u qeybisay 500 oo Naafada Gobolka Banaadir [Sawirro]

    May 23, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hay’adda Hormuud Foundation oo ah Qeybta Sama Falka iyo Gargaarka uqaabilsan Shirkadda Hormuud Telecom ayaa 500 oo Qof oo Naafo ah oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Deegaannada ku hareereysan u qeybisay lacag Cash ah, iyadoo qof kasta la guddoonsiiyey lacag dhan $100 Dollar.

    Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ah madaxa Hormuud Foundation ayaa faahfaahin ka bixiyey deeqda lacageed oo ay maanta hey’adda u qeybisay qaar ka tirsan Naafada ku nool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

    “Dad gaaraya 500 oo Qof oo Naafo ah oo isugu jira kuwa lixaadaha La’ iyo kuwa Aragga la’, kuwaas oo ka imaaday degmooyinka Gobolka Banaadir iyo dagmooyinka ku dhowdhow ayaan siinay lacag, waxayna ka socdeen 500 oo qoys, waxaana qof kasta siinay 100 Doollar, Allaha u barakayo” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur.

    “Waxay qeyb ka tahay barnaamijyada aan ugu talagalnay Bisha barakeysan ee Ramadaan taas oo aan ugu adeegeyno bulshadeena Soomaaliyeed, Shalay ayeyna aheyd markaan deeq isugu jirtay Raashin, Shidaal iyo lacag aan gaarsiinay Shanta Isbitaal ee Muqdisho ugu weyn kowooda danta guud kuwaas oo kala ah: Dayniile, Madiino, Banaadir, Keysaney iyo Laasareeti, sidoo kale waxaan deeq gaarsiinay maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe iyo naafada Xoogga ee ku nool Isbitaalka Martiini”. ayuu yiri Cabdullaahi.

    “Sida aad ka war qabtaan Muqdisho waxaa maalmahaan ka da’yey roobab keenay inay burburaan guryo isla markaasna ay dad badan barakacaan, sidaas darteed waxaan Shalay deeq timir ah oo gaareysay 800 oo Kiilo gaarsiinay dad ku barakacay Degmada Hodan” ayuu sii raaciyey.

    Sidoo kale intii ay socotay Xafladda lacagta lagu guddoonsiinayey naafadaan ayaa waxaa ka hadlay madaxa Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’isulwasaare Soomaaliya Maryan Aadan Amiin waxayna tiri

    “Hormuud waxaan rabnay ayey u taagan tahay hadaan dhaho dambi igama raacayo, Ramadaan marka la gaaro sidaas ayey bulshada wax u siisaa, markay fatahaado dhacaan waxay taagan yihiin biyaha dhexdooda, marka abaar dhacdo way dhex taagan yihiin iyagoo wax bixinayo, waxaana dhihi karaa  waxa ay dadka ka qaado kala bar iyaga ayey ku bixisaa” ayey tiri Marmo Maryan.

    “Naafada Soomaaliyeed raas caseyr ilaa raas Kambooni ayey ka imaadeen, waxaana ku shaqo leh Hormuud, meel kasta calankeeda ayaa ka taagan, sida ay wax u qabatay lama arkayo hey’ad u qabato, anigana afar sano iyo lix bilood ayaan joogaa Xamar,  intaan Xamar joogay Hormuud Talecome ayaan lacag ka qaataa Ramadaan kasta, sida Qur’aanka lagu sheegay Hormuud ajar weyn ayey ka heleysaa, Naafada noocyadooda kala duwan sida ay Hormuud wax ugu qabatay cid ugu qabaneyso lama arkayo” ayuu yiri mid kamid ah dadkii naafada ahaa ee Maanta deeqda lacagta ah ka helay Hormuud Foundation.

    “Hormuud waan u mahacelinayaa, wayna naga farxisay, Allaha ajar ka siiyo, Maanta soonka wax aan ku moodno ayey na siiyey” ayuu yiri mid kale oo kamid ah dadkii maanta deeqda lacagta la siiyey.

    “Sharaf iyo Cisho waxaa leh Hormuud Foundaton oo dadaal ay sameysay  500 qof oo naafo ah isku keentay, waxaana caddeynaya in tallaabada Hormuud ay qaaday aysan qaadin shirkadaha kale iyo Hey’adaha” ayuu yiri mid kale oo saxaafadda kula hadlay goobta lagu siiyey.

    Dhammaan naafadii loo qeybiyey deeqdaan lacageed ayaa goofta munaasabadda dhacday ka tagay iyagoo faraxsan, waxayna tallaabada ay Hormuud qaaday muujineysaa sida ay mar kasta ugu taagan tahay adeegga Bulshada Soomaaliyeed.

     

    Deeq G/Banaadir Hormuud Hormuud Foundation Naafada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWeerar Madaafiic la isku weydaarsaday oo dhex maray Ciidamada AMISOM & kooxda Alshabaab
    Next Article Guddiga Difaaca Puntland oo Go’aanadii ugu kulullaa kasoo saaray Colaadda kala dhaxeysa Somaliland

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo