Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Guddiga Doorasha Federaalka oo Hakiyey Kursiga HOP086 ee loo xiray Fahad Yaasiin (Dagaalka Waraaqaha)

    Guddiga Doorasha Federaalka oo Hakiyey Kursiga HOP086 ee loo xiray Fahad Yaasiin (Dagaalka Waraaqaha)

    February 18, 2022Updated:February 18, 20223 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warbixin: Madaxtooyada Soomaaliya oo mar kale la wareegtay maamulka Baraha Bulshada ee Guddiga Doorashada Heer Federaal (FEIT).

    Guddiga Doorashada Heer Federaa ee FEIT ayaa hakiyey Doorashada Kursiga HOP086 oo loo xiray Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji, waxaana Baraha bulshada qabsaday qoraalka hakinta Kursiga, iyo qoraallo is burrinaya oo ka danbeeyay.

    Qoraalkii koowaad ayaa soo baxay xalay saqdii dhexe kadib, waxaana lagu caddeeyaya in Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FIET uu hakiyey doorashada Kursiga HOP086, qoraalka Guddiga FEIT ayaa u qornaa sida soo socota:

    “Kadib markii Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FIET ay soo gaareen cabashooyin ka yimid Odayaasha iyo Nabddoonada Jufada iska leh Kursiga sumadiisu tahay HOP086 . Waxaa lagu wargelinyaa labada Guddi ee Waqradani ku socoto inay hakiyaan doorashada Kursiga inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyey..”

    Saacad kadib waxaa qoraal jawaab ah soo saaray Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo si cad u diiday inuu hakiyo Doorashada Kursiga, isla markaana caddeeyay in jadwalkii Doorashada uu sidiisa yahay, ayna wax kama jiraan tahay warqadda kasoo baxay Guddiga Heer Federaal ee FIET.

    Muddo kooban kadib waxaa isla xalay xilli danbe qoraalkii hakinta Doorashada Kursiga HOP086 laga saaray Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada Heer Federaal FEIT, iyadoo ay muuqatay in xubnaha maamula Boggaasi oo marar badan kala qeybsamay ay mar la wareegeen kooxo iska horjeeda. Waxaase dhacday in Bogga Guddiga ee Twitter-ka ay saarneyd qoraalka hakinta.

    Waxyar kadib waxaa haddana Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada Heer Federaal lasoo dhigay Qoraal lagu sheegay in Warqadii hakinta Doorashada kursiga HOP086 ay ahayd been abuur. Kadibna ayna dhici Doorashada u dhici doonto sidii loogu talogalay.

    Waxaa ka daba yimid qoraal lagu baahiyay Warbaahinta Dowladda oo lagu sheegay in Boggii Guddiga Doorashada Heer Federaal ku lahaa Facebook lagala wareegay Guddiga, wuxuuna qoraalkaasi u qornaa sidatan:

    “Guddiga Doorashada Heer Federaal oo ku wargeliyey Ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamkaba in Boggii ay ku lahaayeen Barta Facebook-ga uu galay gacan kale, sidaa daraaddeed intuu gacanta guddigu ku soo noqonayo wixii lagu faafiyo aysan waxba ka jirin”.

    Bogga Facebook oo ee Guddiga FEIT oo la sheegay inay markii labaad la wareegtay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ugu danbeyn lagu qoray qoraal lagu taageerayo Kursiga HOP086, waxaana ka mid ahaa qoraalkaasi.

    “Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed Hirshabeelle , Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal kumatala qabashada Doorashada Golaha Shacabka BFS iyo Xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaatka ku matala Hirshabeelle qabashada doorashada Golaha shacabka BFS oo dhamaantood Goobjoog ku ah Goob Doorashada 2aad ee Hirshabeelle Baledwayne waxay cadeynayaan in kursiga sumaddiisu tahay HOP#86 in diwaangalinta guddiga ergada xulista waafaqsanyihiin habraaca Doorashada Dadban isla markaana ay jirin sabab loo hakiyo qabashada kursigaas oo ka mid ah lix kursi oo Golaha Shacabka oo la shaaciyay jadwalkooda Tr 15/02/2022.”

    Dagaalka waraaqaha iyo Baraha bulshada ku dhex maray Guddiyada Doorashada Heer Federaal oo Madaxtooyada soo faragelisay, Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo saameyn weyn uu ku leeyahay Fahad Yaasiin iyo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo dagaal kala dhaxeeyo Agaasimihii hore ee NISA, waxay xaaladda ka dhigeen fadeexad iyo wax lagu qoslo sida loo hoggaamimayo Doorashada Dadban ee kalsoonidu kasii dhimaneyso.

    Waxaa la sugayaa go’aanka ay qaadan doonaan Madaxda iyo xubnaha Guddiga FEIT iyo sida arrintan ay u arkaan, waxaana la ogyahay xitaa haddii Guddiga FEIT isagoo dhan ka hor yimaado ama hakiyo kursiga HOP086 in Guddiga SEIT ee Hirshabeelle aysan u hoggaansami doonin, sida hore u sameeyaan Guddiga SEIT K/Galbeed.

    Doorashada Fahad Yaasiin Hirshabeelle Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHaweenay ka tirsan Shaqaalaha Isbitaalka Digfeer oo u geeriyootay Rasaas ay fureen ciidamada Dowladda
    Next Article Jubbaland oo Doorasho Gacantaag ah kusoo saartay 3 Xildhibaan iyo Wasiir hore oo kusoo baxay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo